Madaxweynaha dalka Ugandha Yoweri Museveni oo markale la doortay

February 20, 2016 - Written by Editor

YuweriGuddiga doorashada ee dalka Ugandha ayaa waxa ay ku dhawaaqeen in Yoweri Museveniuu ku guuleystay doorashadii dalkaasi.

Yoweri Museveni ayaa mar shanaad qabanaya xilka madaxtinimada ee dalka Ugandha oo uu ka arriminaayay 30kii sano ee la soo dhaafay.

Guddiga doorashada waxaa ay sheegeen in Museveni uu helay inta badan codadkii la dhiibtay oo gaareysa boqolkiiba 63.

Madaxweyne Yoweri Museveni ayey u badan tahay inuu kordhisto xilligii sodonka sano ee Ugandha uu xukumaayay.

Natiijada hordhaca ah waxa ay muujineysaa inuu helay in kabadan boqolkiiba 60da codadkii la dhiibtay.

Ninka matalaya mucaaradka ugu wayn, Kizza Besigye, waxa uu illaa iyo hadda haystaa 34 boqolkiiba.

saaka, Korjoogtada midowga Yurub ee kusugan Ugandha ayaa waxa ay dhalleceeyeen sida ay u dhacday doorashadii Khamiistii ee madaxtinimada iyo baarlamaanka ee dalkaasi.

Mid ka mid ah indha indheeyayaasha oo ka socda baarlamaanka Yurub, Jo Leinen waxa uu sheegay in codeynta ay hareysay akhbaaraad waxrbaahineed oo aan cadaalad ahayn.

Wuxuuna intaa raaciyay in doorashada lagu qabtay jawi cabsi iyo caga jugleyn ah oo shacabka iyo musharrixiinta ay la kulmeen.

BBC Somalia

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online