Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo ka wada hadlay Geedi-socodka Doorashooyinka 2016-ka.[Masawiro]

February 17, 2016 - Written by Editor

1Addis:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas  oo maalintii labaad ku sugan magaalada Addis Ababa ee  Caasimadda Waddanka Itoobiya ayaa Caawa 17-Feb-2016 waxaa casho sharaf u sameeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Itoobiya Dr.Tedros Adhanom.

Kulanka casho sharafta ayaa sidoo kale waxaa kasoo qayb galay Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya iyo Wakiilka Itoobiya u qaabilsan urur goboleedka IGAD, waxaana uu kulankani ahaa mid lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha Dawladda Puntland isla markaana lagu lafa gurayo guud ahaanba arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyoWasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Dr.Tedros  kulankoda  casha sharafta kasoo qayb galay ayaa waxay ka wada hadleen guud ahaan arrimaha Siyaasadda ee Soomaaliya gaar ahaan geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka iyo mawqifkii Dawladda  Puntland ay ka qaadatay go’aankii ay gaadhey Dawladda Federaalka Soomaaliya beesha Caalamkuna ay soo dhoweysey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  oo uga mahadceliyey  Wasiirka Arrimaha Dibadda Dawladda  Itoobiya Dr. Tedros casho sharafta uu u sameeyey ayaa dhinaca kale  sheegay   Puntland in aanay marnaba aqbalayn in dalka dib loogu celiyo nidaamkii awood qaybsiga qabiilka ee 4.5 kaas oo dawladda federaalku go’aamisey  in marlabaad dalka dib loogu celiyo.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya u sheegay in todobaadkii lasoo dhaafay ay Puntland soo gaadheen wafti ballaadhan oo ka socda beesha caalamka kuwaas oo uu hoggaaminayo wakiilka xog hayaha guud ee qarama midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Michael Keating  kana mid ahaayeen Danjirayaasha Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Iswiidhan, midowga yurub iiyo midowga Afrika kuwaas oo kulamo  kala duwan laqaatay Dawladda, Baarlamaanka, bulshada rayidka ah, Isimada iyo siyaasiyiinta isla markaana ay indhohooda ku soo arkeen dareenka shacabk Puntland.

Casho sharafta uu Wasiirka arrimaha Dibadda  Dawladda Federaalka Itoobiya Dr. Tedros Adhanom u sameeyey Madaxweynaha Dawladda Puntand Dr.Cabdiweli Maxamed Cali gaas ayaa waxay kusoo gebagebowdey  jawi deggan oo meeqaam heersare ah leh.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online