Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kulamo la qaatay Madax sare oo ka tirsan Waddanka Maraykanka.[Masawiro]

February 27, 2016 - Written by Editor

unnamed2Washington DC:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  iyo wafti uu hoggaaminayo oo dhowaan gaadhey magaalada Washington DC ee Xarunta Waddanka maraykanka ayaa waxaa soo dhoweyntooda kaqayb qaatay safiirka Soomaaliya ee Waddanka Maraykanka Ambassador Ahmed Cawad iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee carriga maraykanka gaar ahaan Jaaliyadda reer Puntland.

Madaxweynaha oo safar shaqo u tegey waddanka Maraykanka ayaa waxaa uu kulamo la qaatay mas’uuliyiin sar-sare oo ay kamid tahay ku Xigeenka Xog-hayaha Arrimaha Dibadda ahna u qaabil sanaha Arrimaha Afrika Marwo Linda Thomas-Greenfield iyo saraakiil kale.

Madaxwaynaha iyo  Marwo Linda ayaa kawada hadlay  arrimo ay kamid yihiin hurmarka Puntland ka socda, geedi-socodka nabadda Soomaaliyeed, la dagaalanka argagixisada hannaanka  doorashooyinka dalka ka dhici doona 2016-ka iyo doorka  Puntland ee siyaasadda Soomaaliya , waxaana uu kulankaasi ku soo dhammaaday guul iyo is af-garad.

Madaxweynaha  Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Waftigiisa ayaa sidoo kale waxay ku wajahan yihiin maalmaha soo socda waddanka Canada gaar ahaan magaalada Toronto ee caasimadda waddankaasi iyo magaalada Minneapolis,  ee gobolka Minnesota ee woqooyiga waddanka maraykanka  halkaas oo uu kulamo muhim ah kula qaadan doono jaaliyadaha kala duwan ee reer Puntland ee ku dhaqan waddankaasi.

Safarka Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Qaaradda Ameerika ayaa salka ku haya kala war qaadasho jaaliyadda iyo Madaxweynaha iyo sidii ay jaaliyaduhu uga qayb qaadan lahaayeen horumarka xawliga kusoconaya ee Dawladdu ka waddo Puntland iyo sidoo kale in jaaliyaduhu ay taladooda ku aadaan nooca doorasho ee dalka kaqabsoomi doonta ay la wadaagaan dawladda maadaama dawladda Puntland ay ku dhisan tahay latashiga shacabkeeda dal iyo dibadba.

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online