Madaxweynaha Dawladda Puntland oo maanta safar shaqo ugu amba baxay dalka Itoobiya.[Masawiro]

February 16, 2016 - Written by Editor

IMG_0951Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo uu weheliyo Wasiirka Ganacsiga Dawladda Puntland ayaa maanta 16-Feb-2016 waxa uu safar shaqo oo gaaban ugu amba baxay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Waddanka Itoobiya kadib markii uu Casumaad rasmi ah ka helay Dawladda Itoobiya.

Madaxweynaha yaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusii Sagootiyey Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi, Wasiiro, Xildhibaano, Agaasimayaal, saraakiil ciidan iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaanu ka amba bixin garoonka diyaaradaha ee Garoowe waxaa uu warfidiyeenada uga warbixiyey ujeedka safarkiisa, waxaana uuu sheegay in uu safarkiisu ku qotomo casumaad rasmi ah oo uu ka helay Dawladda Itoobiya.

“Maanta waxaan safar shaqo oo kooban ugu amba baxayaa waddanka Itoobiya, waxaana u aaday casumaad rasmi ah oo aan ka helay Dawladda Itoobiya, waad ogtihiin oo Puntland iyo Itoobiya waxa ka dhexeeya iskaashi dhinacyada ganacsiga, Nabad geliyada iyo la dagaallanka Xagjirnimad ah”ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in Dawladda Itoobiya ay Puntland kala shaqayso, dhinacyada sugidda Amniga, la dagaallanka argagixisada iyo xiriirka ganacsiga, isla markaana uu dawladda itoobiya kala hadli doono arrimahaas oo dhan iyo sidii shirkadaha ganacsi ee Itoobiya ay maal gashi ugu samaysan lahaayeen Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online