Madaxweynaha Dawladda Puntland safar shaqo ugu amba-baxay waddanka Maraykanka

February 23, 2016 - Written by Editor

gaasWashington:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 23-Feb-2016 ka amba-baxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya oo muddo ha todobaad ah uu hawlo shaqo u joogey isagoo kusii jeeda Magaalada Washington DC ee Xarunta Waddaka Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sidoo kale safar ku tegi doonaa gobollada kala duwan ee dalka Maraykanka halkaas oo uu shirar iyo kulamo kula qaadan doono Jaaliyadaha kala duwan ee reer Puntland ee ku dhaqan qaaradda America, kulamadaas oo intooda badan salka ku hayn doona qaabkii ay jaaliyaduhu uga qayb qaadan lahaan horumarka baaxadda leh ee Puntland ka socda iyo talooyin kooda ku aadan halbeegga awood qaybsiga qabiilka ee 4.5 kaas oo ay Puntland qaadacday in dalka dib loogu celiyo, balse ay Dawladda Federaalku weli dabada ka riixayso sidii markale dalka dib loogu celin lahaa awood qaysiga qabiilka ee 4.5 kaas oo ummadda Soomaaliyeed ragaadiyey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale kabaaqday shirka shirka looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya ee uu Marti gelinayo Waddanka Turkigu, kadib markii uu u arkay Madaxweynuhu shirkaasi in uu yahay mid ummadda Soomaaliyeed lagu Jaahwareerinayo isla markaana aanay wax dan ahi ugu jirin ummadda Soomaaliyeed shirkaasi oo aanu waxba kaga duwanayn shirarkii hore u bur-buray ee lagu qabtay Kismaayo iyo Muqdisho.

Shirka ka furmaya magaalada Istanbuul ee waddanka Turkiga ayaa ah labo qaybood, qaybta hore ayaa ah mid looga hadlayo barnaamijka Hiigsiga cusub(New Deal) oo arrimaha diiradda lagu saari doono ay ka mid tahay maalgashiga, ganacsiga iyo dhaqaalaha waxaana qaybtaa Puntland uga qayb geleya Wasaaradaha Qorshaynta, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Madax New Deal-ka u qaabilsan Puntland Maxamed Xassan Barre.

Qaybta labaad ee shirka Istanbuul ayaa ahaan doonta mid looga hadlayo siyaasadda dalka Soomaaliya oo ay ugu weyntahay nooca doorasho ee dalka kaqabsoomi doonta bilaha August iyo September ee fooda inagu soo haya, qaybtan Puntland kama qayb geli doonto maadaama Dawladda Federaalku aanay weli wax tanaasulaad ah ku samayn go’aankeedii ahaa in dalka dib loogu celiyo awood qaybsigii qabiilka ee 4.5, sidoo kalena ay Dawladda Puntland ku taagan tahay go’aankii shacabkeeda ee ahaa in aan dalka Soomaaliya dib loogu celin hannaankii hore usoo daashadey ee ee awood qaybsiga qabiilka ee 4.5.

—DHAMMAAD—-

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online