Madaxweynaha DFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Haile Mariam Desalegn oo ka wadahadley amniga, horumarinta iyo iskaashiga gobolka

February 2, 2016 - Written by Editor

IB0A8778Addis Ababa:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sh. Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Haile Mariam Desalegn, ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa, ee xarunta dalka Ethiopia. Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadley xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Dhanka amniga gobolka, labada hoggaamiye waxay hoosta ka xariiqeen muhimadda isku dubbaridka hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya, iyadoo bishan dhammaad keeda ay madaxda dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, kulan ku yeelan doonaan magaalada Djibouti. Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya oo haatan ka soo kabsaneysa colaado muddo dheer socdey, ay diyaar u tahay inay iskaashi iyo wax wada qabsi buuxda la yeelato dalalka gobolka.

Ra’iisul Wasaarahe Ethiopia, Haile Mariam Desalegn, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka dhanka siyaasadda ee Soomaaliya, dalkiisuna uu doonayo inuu arko Soomaaliya oo si buuxda u soo kabsatey, gobolkana kala shaqeysa dhinacyada amniga, la dagaalanka argagaxisada, iskaashiga dhaqaalaha iyo adeegyada kale ee horumarinta.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ay ka wadahadleen kulan madaxeedkii shaley dhammaadey ee Midowga Afrika, oo laga soo saarey go’aano wax looga qabanayo xasaradaha qaaradda ka jira iyo ajendaha horumarka Afrika. Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socdey labada dhinac, waxaana uu ku soo dhammaadey jawi is-afgarad leh.

—————————-DHAMMAAD—————————

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online