Madaxweynaha DFS oo gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan

February 18, 2016 - Written by Editor

xasanMadaxweynaha DFS  Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray  magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaana halkaas ku soo dhaweeyey maamulka gobolka Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada .

Madaxweynaha DFS ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey wasiirka amniga Qaranka ee DFS Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Xildhibaan Nuur Iidow iyo masuuliyiin kale oo tirsan labada gole ee dowlada federaalka.

Ujeedada Socdaalka Madaxweynaha DFS ayaa waxaa lagu sheegay in uu doonayo in uu ku soo qanciyo beelaha dega gobalka Hiiraan oo intoodii badneyd diiday shirka ka furmay Jowhar kaas oo la doonayo in Maamul Gobaleed loogu sameeyo gobalka  Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha iyo Wafdigisa ayaa waxaa ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan Cuqaasha ,Nabadoonada gobalka Hiiraan si loo xaliyo waxyaabaha ay tabanayaan Reer Hiiraan.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online