Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtey.

February 16, 2016 - Written by Editor

xasan2-400x200Muqdisho, 16 February 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Munich ee dalka Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka kaga soo qeybgaley Shirkii 52-aad ee arrimaha amniga caalamka (Munich Security Conference).

Arrimaha ugu waaweyn ee diiradda lagu saaray shirka sannadkan waxaa ka mid ahaa, xasiloonida dalalka Saxaraha ka hooseeya oo ay Soomaaliya ku jirto, qaabka Yurub ay uga jawaabtey qulqulka qaxootiga ku soo badanaya Yurub, dagaalka Syria, xakameynta hubka, iyo cudurada ku sii baahaya dunida.

Khudbad uu shirka ka jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu xusay khatarta argagixisada ku hayso caalamka, loona baahan yahay in meel looga soo wada jeesto dagaalka looga soo horjeedo.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhoweeyay, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada gole.

————-DHAMMAAD—————–

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online