Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud oo gaaray dalka Turkiga

February 23, 2016 - Written by Editor

xasnMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ku- Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Jan Eliasson ayaa maanta soo gaarey magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo 23-ka bishan uu ka furmayo Madasha 6-aad ee Heerka Sare ee Soomaaliya iyo waddamada/hay’adaha iskaashiga la leh ee dhinaca dib u dhiska Soomaaliya (High Level Partnership Forum).

Madasha HLPF ayaa waxaa martigelinaysa dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, iyadoo uu rasmi ahaan u furi doono Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, waxaana wadajir u shir guddoomin doona Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Shirka Waxaa ka qeybgalaya in ka badan 200 oo ergo oo ka socda in ka badan 50 dal, hay’adaha caalamiga iyo hay’adaha Qaramada Midoobay.

Shirka oo socon doona muddo laba maalmood ah, ayaa waxaa qiimeyn iyo dib u eegis lagu sameyn doonaa horumarka laga sameeyay Barnaamijka Cahdiga Cusub ee Soomaaliya (the Somali Compact), kaas oo markii ugu horeysey lagu ansixiyey magaalada Brussels bishii September sannadkii 2013. Barnaamijka Cahdiga Cusub ayaa waxaa ka abuurmey iskaashi ku saleysan isla xisaabtan, wadaagidda khatarta iyo mas’uuliyadaha ee dhinacyada Soomaaliya iyo beesha caalamka si loo hago horeyna loogu dhaqaajiyo ajendaha siyaasadda, amniga iyo horumarka Soomaaliya.

Waxaaa sannadkiii hore uu barnaamijkan ku tallaabsadey horumar la taaban karo, dhinacyada siyaasadda, amniga iyo agendaha horumarinta.

Madasha Heerka Sare ee Soomaaliya iyo waddamada ay iskaashiga leeyihiin ayaa la filayaa in lagu taageero go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa sannadkan 2016-ka, inuuu ka doodo, khariiddad la isku wada raacsan yahay oo ku saabsan doorashada 2020-ka, dib u qaabeynta amniga, dardar-gelinta dadaalka dib u eegista iyo dib u qorista dastuurka federaalka, isla markaana wax laga qabto baahiyaha aasaaska u ah dhinaca horumarinta si loo xaqiijiyo mustaqbalka nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya.

———————DHAMMAAD———————-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online