Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh oo Addis Ababa kula kulmey Diblomaasiyiin ka tirsan AMISOM

February 1, 2016 - Written by Editor

6-13-400x200Addis:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sh. Maxamuud, ayaa xalay magaalada Addis Ababa kulamo kula qaatey iyo diblomaasiyiin caalami ah. Madaxweynaha waxaa uu kulan looga hadley doorka AMISOM ee arrimaha Soomaaliya uu la yeeshay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira .

Kulankaasi ayaa waxaa lagu shaaciyey in dhammaadka bishan magaalada Djibouti uu ka dhici doono shir madaxeed gaar ah oo ay isugu imaan doonaan dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya. AMISOM ayaa sidoo kale taageertay horumarka dhanka siyaasadda ee Soomaaliya ku tallaabsatey.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kulan la yeeshay Xoghayaha Guud ee Guddiga Dhaqaalaha Afrika ee Qaramada Midoobay Mr Carlos Lopes.

Kulanka ayaa waxaa looga hadley qaabka ugu habboon ee Guddiga Dhaqaalaha Afrika ee Qaramada Midoobay door uga qaadan karo dib u soo kabashada dhaqaalaha iyo kaabeyaasha muhiimka ah ee Soomaaliya.

—————————-DHAMMAAD—————————

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online