Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho

February 2, 2016 - Written by Editor

xasan1Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sh. Maxamuud, ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia kaga soo qeybgaley Shir Madaxeedkii 26-aad ee Midowga Afrika. Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeediyay Shir Madaxeedka, ayaa waxaa uu ka warbixiyey xaaladda dalka, dhinacyada siyaasadda , amniga iyo hannaanka doorashooyinka dhici doona sannadkan 2016-ka.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha intii uu joogay Addis Ababa guddoomiyay, shir madaxeed ay isugu yimaadeen dalalka Bariga Afrika ee xubnaha ka ah Taliska Ciidammada Heeganka ee Bariga Afrika, iyadoo kulankaasina looga hadlayey xasaradda ka aloosan dalka Burundi.

Kulamadii ugu muhiimsanaa ee Madaxweynuhu la qaatay madaxda caalamka intii uu socday Shir Madaxeedka Midowga Afrika, waxaa ka mid ah kuwo uu la yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Madaxweyna Masar, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia iyo diblomaasiyiin kale.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada gole.

– DHAMMAAD——

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online