Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland oo ka qayb galay Mashruuc ku shaqaynaya Tamarta Cadceeda oo laga hirgeliyey Garoowe.[Masawiro]

February 22, 2016 - Written by Editor

IMG_0176Garoowe:-Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxwey naha Eng. C/xakiim C/laahi Xaaji Cumar Camey  ayaa maanta 22-Feb-2016 magaalada Garoowe kaga qayb galay munaasabad lagu daah furayey mashruuc Tamarta cad-ceeda ku shaqeeya oo shirkadda korontada ee NECSOM  oo hore loogu magcaabi jirey NEC ay ka hirgelisey magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, Mashruucaas oo noqonaya mashruucii koronto ee ugu weynaa ee Soomaaliya laga hirgeliyo.

Munaasabadda Daahfurka mashruucaasi ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno ka socda golayaasha Dawladda Puntland, Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud,  Ganacsato, Isimo, Maamulka Shirkadda Necsom iyo shirkadda ELVI oo ay wada shaqayn leeyihiin shirkadda NECSOM, Culumaa’udiin iyo Dadweyne kale.

Mashruucan ay soo kordhisey shirka korontada ee NECSOM ayaa ah mid magaaladu isticmaali doonto 16saacadood maalintii Tamarta Cadceedda halka 8-da saacadood ee dhimana ay isticmaali doonto matooradii shidaalka, taas oo wax badan hoos u dhigaysa qarashkii shidaalka ee ku bixijirey matoorada shirkadda iyo khidmadihii laga qaadi jirey macaamiisha, sidoo kale waxaa hoos loo dhigi doonaa qiimihi laga qaadi jirey macaamiisha shirkadda  laga bilaabo 01-March-2016 waxaana laga dhigi doonaa $0.79 halkii kilo watt halka markii hore ay ka ahayd $0.95/kw.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa ku ammaanay shirkadda korontada ee NECSOM tallaabadan horumarka ah ee ay ku tallaabsatay  iyo qiima dhimista ay bulshada u ballan qaaday,  isagoona ku tilmaamay mid Puntland oo dhan anfacaya maadaama ay shirkaddu ka hawl gasho gobollo  kamid ah Puntland iyo koonfurta Soomaaliya.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.C/xakiim C/laahi Xaaji Cumar Camey ayaa sidoo kale sheegay in mashruucani uu qayb ka qaadan doono sugidda nabad-gelyada, bilicda magaalada iyo hirgelidda goobo ganacsi oo kusoo bata Caasimadda Puntland ee Garoowe.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online