Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland oo Qasriga Madaxtooyada kula shiray dhammaan hay’adaha ka hawl gala Puntland

February 16, 2016 - Written by Editor

IMG_2998Garoowe:-Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 16-Feb- 2016  Aqalka Madaxtooyada  Dawladda Puntland ee Garoowe shir kula qaatay  hey’adaha ka hawl-gala gudaha Puntland, maadaama ay Dawladda Puntland hore ugu astaysay hay’adaha in looga baahanyahay in16-ka February  gurmad deg-deg ah loo fidiyo dadka iyo duunyada ay abaaruhu wax-yeelee yeen.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey  oo ah guddoomiyaha Guddiga Abaaraha  ayaa sheegay  in deegaano gaareya 78 deegaan oo ka kooban 5 gobol oo ka mid ah gobollada Puntland  ay si weyn u wax-yeelaysay abaartu isla markaana biyihii iyo baadkiiba ay gabaabsi noqdeen, loona  baahanyahay in si wada jir ah looga hawl galo.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in  Dawladda Puntland oo kaashanaysa hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxalliga ah ay ku dhawaaqayso in ay billaabi doonto gurmad deg-deg ah iyadoo ka duulaysa tallaabooyinka soo socda.

o   Dawladda Puntland ay dib u habaynaysaa  dhamaan ceelasha biyaha ee gobolada ay Abaartu wax-yeeleysay si loo  helo baraago biyaha celin kara.

o    Dawladdu waxay  bilaabeysaa Biyo dhaamis ballaaran oo meelo kala duwan ah

o   Dawladdu waxay tallaali doontaa dhamaan xoolaha Abaartu saamaysay

o   Dawladdu waxay  diyaarin doontaa  gaadiid caafimaad iyo kooxo dhaqaatiir ah  si loogu gurmado dadka ay  Abbaartu saameysay

o   Dawladdu waxay  diyaarin doontaa  Baraagaha guur-guura  si dadka iyo duunayada aan soo gaari karin  ceelasha biyaha loogu gaar siiyo biyo meelaha ay joogaan

o   Dawladdu waxay Samaynaysaa  nafaqayn Hooyada iyo dhallaanka iyo dhammaan dadka nugulka ah ee Abaaruhu ay  wax-yeellee-yeen.

Ugu dambayntii Dawladda Puntland iyo hay’adihii shirka kasoo qayb galay ayaa isla  Af-gartay in si joogto ah ay guddiga abaaraha iyo hay’aduhu u wada joogteeyaan warbixinada iyo xogaha ku saabsan hadba halka ay marayaan hawlaha gurmadku si’aanu  u kala go’in gurmadka loo fidinayo dadka iyo duunyada ay abaaruhu halakeeyeen.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online