Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Ka qeyb galay isu-soobax roobdoon ah (Masawiro)

February 25, 2016 - Written by Editor

IMG_1373Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 25-Feb-2016 waxaa uu magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari kaga qayb galay isu-soobax roobdoon ah, kaas oo Eebbe lagaga baryayey in uu ka dulqaado abaaraha saameyey  guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland isla markaana uu ugu beddelo raxmaadkiisa khayrka qaba.

Isu-soo baxaas roob doonta oo ah  lagu qabtay garoonka kubbadda cagta ee Boosaaso ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Wasiiro, Xildhibaano, Isimo maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, saraakiil kasocota Madaxtooyada Dawladda Puntland, culumaa’udiin iyo kumannaan dadweyne ah, kuwaas oo dhammaantood isugu soo baxay siday ilaahay uga baryi lahaayeen inuu ka feydo abaaraha dabada dheeraaday ee ka jira Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey  oo la hadalayey kumannaankii dadweynaha ahaa ee isu soo baxa roobdoonta kasoo qayb galay ayaa dadweynaha reer Puntland meelkastoo ay joogaan kula dardaarmay inay ilaahay u toobad keenaan, isla markaasina ay cafis weydiistaan si’uu ugu naxariisto.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku boorriyey guud ahaan shacabka reer Puntland in ay is-naxariistaan isla markaana ay ka fogaadaan waxyaabaha macsida ah oo  keenaya carada Eebbe.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa ilaahay  uga baryey guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaa shacab weynaha reer Puntland meelkastoo ay joogaan in uu uga gar-gaaro abaaraha ba’an ee waxyeelleeyey dadkii iyo duunyadiiba isla markaasina uu ka waraabiyo raxmaadkiisa khayrka qaba.

Isu-soobaxan maanta la qabtay ayaa ahaa mid ay  hore u iclaamisey Wasaaradda Caddaaladda ee Dawladda Puntland in uu ka qabsoomo dhammaan gobollada Puntland oo ay ummadda reer Puntland Eebbe kaga baryaan  in uu ka dulqaado abaaraha ka jira Puntland uguna beddelo  Roob iyo barwaaqo.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online