Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo tagay Boosaaso kana hadlay Shirka Turkiga (Masawiro+ Cod)

February 24, 2016 - Written by Editor

IMG_1181Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa maanta 24-Feb-2016 waxaa siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Soo dhoweynta Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa kaqayb qaatay xubno ka kala tirsan golayaasha Dawladda, maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan oo bannaanka ugu soo baxay siday uga qayb qaadan lahaayeen soo dhoweynta Madaxweyne ku-xigeenka.

Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweyna ayaa soo dhoweynta kadib waxaa loosoo gelbiyey Qasriga Madaxtooyada Puntland ee magaalada Boosaaso halkaas oo uu warfidiyeenada kula hadlay.

Kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar Camey ayaa sheegay safarkiisu in uu salka ku hayo kaqayb galka mashaariic ay dawladdu ka fulisey magaaalada Boosaaso oo la furayo, cutubto ka tirsan ciidanka Badda Puntland oo tababar loosoo xidhayo iyo u kuur-gal xaaladaha abaareed ee ka jira Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay shirka Caalamiga ah ee ka furmay Waddanka Turkiga kaas oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya gaar ahaan Hiigsiga cusub(New Deal) iyo Arrimaha siyaasadda dalka Soomaaliya.

Waxaana uu sheegay kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland shirkii looga hadlayey hiigsiga cusub ee Soomaaliya ee diiradda lagu saaray horumarka dalka, dhaqaalaha iyo maalgashiga in ay Puntland uga qayb galeen xubno ka tirsan golaha Xukuumadda.

Sidoo kale shirkii looga hadlayey arrimaha siyaasadda soomaaliya oo diiradda lagu saarayey hannaanka geeddi socodka doorashooyinka 2016-ka ayuu sheegay Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland in aanay jirin haba yaraatee cid Puntland uga qayb gashay shirkaa, taa beddelkeedana aanay Puntland qusayn go’aamada kasoo bixi doona shirkaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar Camey ayaa sidoo kale ku tilmaamay shirkaasi mid ummadda soomaaliyeed lagu sii kala fogeynayo, isla markaasina lagu wiiqayo geeddi socodkii nabad soomaaliya.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online