Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Djibouti oo ka wadahadley xaaladda gobolka(Masawiro)

February 28, 2016 - Written by Editor

1Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah magaalada Djibouti kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyn ayaa kulankooda kaga wadahadley xaaladda amniga gobolka, la dagaalanka argagixisada, iskaashiga labada dal iyo xoojinta iskaashiga ciidammada Soomaaliya iyo kuwa Nabad Ilaainta Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa Djibouti, Mudane Geelle uga mahad celiyay doorka Djibouti ay ku leedahay xasilinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso, dalkiisuna uu mar walba garab taagan yahay walaalahooda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa magaalada Djibouti uga qeybgalaya Shir Madaxeed ay isugu imaanayaan dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya ee hoos yimaada hawlgalka AMISOM.

———-Dhamaad——

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online