Puntland oo mar kale baajisay safar uu Ra’iisul wasaare Sharmaake ku tegi lahaa Garoowe

February 15, 2016 - Written by Editor

sharMuqdisho:-Warar hoos oo ay heshay Halgan.net ayaa sheegay in wafdi ka socda DFS oo hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaake la filayey in ay soo gaaraan magaalada Garoowe balse arrinkaas ayaa suuragelin ka dib markii Madaxda Puntland ay mar kale ka cagajiideen imaanshaha wafdigaan.

Socdaalka Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa  u jeedkiisu waxaa uu ahaa in uu wada xaajood furan uu la galo madaxda Puntland si is afgarad looga gaaro qaabka loo qabanayo doorashada 2016 oo dowladda federaalku soomaaliya ay go’aamisay in dib loogu noqdo 4.5 arrinaas oo Puntland ay ka hortimid.

Xogtaan ayaa waxaa ay sheegaysaa in Madaxda dowladda Puntland ay u cadaysay go’aan keeda xubnihii beesha caalmaka ee ay u wada kulmeen Garoowe ayna arkeen aragtida midaysan ee ay ka qabaan qaabka doorshada 2016 Dowladda Puntland ,baarlamaanka , Issimada , ururada bulshada iyo siyaasiyiinta ayna aqbalay in dib loogu noqdo 4.5.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa ka codsaday dowladda Puntland in ay fursad siiyaan in la wada hadlo uuna isagu kulamo la qaato Golayaasha dowladda Puntland ,Issimada , ururada bulshada iyo siyaasiyiinta si xal loo gaaro.

Ilo wareed lagu kalsoon yahay oo Halgan.net xogtaan siiyey ayaa waxaa ay u sheegeen in Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaake imaanshiyahoodu ay sii adkaatay ka dib markii kulankii dhex maray Madaxda Puntland iyo beesha caalamaku wax natiijo ah aysan ka soo bixin.

Puntland ayaa waxaa horay u soo saareen warsaxaafeed ku qoran Af-ingriska oo ay u qoran tahay lahjad siyaasadeed oo adag oo ku aadan Natijadii shirkii wadatashiga ee lagu soo xiray magaalada Muqdisho hoos ka eeg.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online