Ra’iisul wasaaraha DFS oo Ciidamadda Ammaanka ugu baaqay in Cadaaladda la horkeeno kooxihii ka danbeeyey dilkii Muxyadiin Maxamed Xaaji

February 15, 2016 - Written by Editor

sharMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa cambaareyey dilkii maanta magaaladda Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee Marxuum Muxyadiin Maxmaed Xaaji Ibraahim oo ahaa Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dawladdii KMG ahayd.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray eheladdii , Qaraabadii iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriday Allaah naxariistee Marxuum Muxyadiin Maxamed Xaaji, ” Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun, Alaah naxariisto Jannadii Fardowsana Alaah haka waraabiyo Marxuum Muxyadiin Maxamed Xaaji, sabar iyo iimaan Alaah ha siiyo Ehaladdii iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

“Waxa uu ahaa nin howl¬kar ah oo wax badan u soo qabtay Dowladda Soomaaliyeed, Dowladahii KMG ahaa iyo umadda Soomaaliyeed, waxa uu ahaa nin Dowladnimadda aad u jecel,mana hilmaami doono taariikhda ayaa xusi doonto”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay in cadaaladda mar la horkeeni doono kooxahii ka dambeyey dilka Xildhibaanka iyo dilalka kalaba, wuxuunna ugu baaqay ciidamadda ammaanka in sida uga dhaqsaha badan war uga keenaan kooxaha dilka geystay.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online