Shirka Madaxda Baarlamaannada Dowladaha Carabta oo ka Furmay Qaahira (Masawiro)

February 24, 2016 - Written by Editor

DSC_0142Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa khudbad ka jeediyey shirka madaxda Baarlamaannada dowladaha carabta uga furmay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

Shirkan oo ka dhacaya xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira waxaa furintaankiisa khudbad ka jeediyey xoghayaha guud ee jaamacadda Carabta Nabil el Araby iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka carabta Ahmed Bin Mohamed Al-Jarwan waxaana labaduba ay si wadajir ah ugu soo dhaweeyeen magaalada Qaahira Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Carabta ayaga oo dhinaca kalena ka hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga Baarlamaannada dowladaha carabta.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa khudbad uu ka jeediyey shirka ugu mahad celiyey dowladda iyo shacabka Masar iyo jaamacadda carabta waxaana uu ka hadlay muhiimadda ay xiligan leedahay iskaashi iyo wax wada qabsi ku dheehan isku duubni iyo is jeceyl ay ku wada howlgalaan Baarlamaannada carabta waxaana uu dhanka kale ku booriyey ney ka qeybqaataan maalgashiga xiligan dunidu ku sameyneyso Soomaaliya oo hada ku taagan wadadii hormarka.

Maalinnimada berrito ah ayaa qorshaha uu yahay in si rasmi ah loosoo gebagebeeyo shirka Madaxda Baarlamaannada dowladaha carabta uga furmay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar ayadoo gebagebada shirkana laga soo saari doono war murtiyeed ay ku cad yihiin waxyaabaha shirka looga hadlay.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation office of Speaker 

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online