Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis oo abaalmarin gaari ah gudoonsiiyay arday.[Masawiro]

February 23, 2016 - Written by Editor

IMG_3741-630x300Boosaaso:-Munaasabad lagu qabtay xarunta wayn ee jaamacadda Bariga Africa ayaa shirkadda Golis Telecom Somalia ay ku wareejisay mid kamid ah hadiyadihii ugu qaalisaa ee ay la wadaagto macaamiisheeda taas oo ay ugu talagashay inay ku dhiiri galiso ardayda jaamacadda Bariga Africa ee kaalinta libaax ka qaatay kal dhaqameedki labaad ee lagu qabtay dhawaan xarunta Jaamacadda.

Hadiyadan oo ahayd Gaari nooca raaxada ah oo uu ugu guulaystay hab bakhtiyaanasiib ah mid kamid ah ardayda jaamacadda Bariga Africa xiligii lagu guda jiray barnaamijka Mahiigaan oo ay shirkadda Golis ugu talagashay inay uga qayb qaadato kal dhaqameedkii labaad ee jaamacadda Bariga Africa kaas oo ay ardaydu kusoo bandhigeen hidaha iyo dhaqanka soo-jireenka ah ee leedahay umada Soomaaliyeed.

Madaxa waaxda Suuqgaynta shirkadda Golis C/raxmaan C/laahi Jaamac (Dayax) ayaa munaasbada furay isagoo xusay in Gaarigan quruxda badan iyo hadiyadaha kaleba ay ugu talagashay inay shirkadda Golis ku dhiiri galiso ardayda Jaamacadda Bariga Africa oo kor u qaaday hidaha dhaqanka Soomaaliyeed intii lagu guda jiray kal dhaqameedka labaad ee Jaamacadda Bariga Africa.

Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Bariga Africa Maxamed Maxamuud Ciise ayaa dhankiisa uga mahaceliyay guud ahaa barnaamijka Mahiigaan shirkadda Golis oo uu xusay inay had iyo jeer garab taagantahay bahda waxbarashada isagoo xusay in barnaamijkaan uu ahaa mid ay mudantahay in looga daydo shirkadda Golis.

Ardayga ku guulaystay gaariga hadiyada ah oo lagu magacaabo Yuusuf cumar sheikh mxamed ayaa lagu wareejiyay furaha gaarigiisa cusub kaas oo uu nasiibkiisu waafajiyay in Golis ay u hibayso gaari nooca raaxada ah isagoo madasha ka hadlayna waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay hadiyada qaaliga ah ee ay gudoonsiisay shirkadda Golis Telecom.

“Dareen ahaan aad baan ugu faraxsanahay inaan maanta kaxaysto gaarigan oo aan ku helay bakhtiyaansiibkii nala dhex dhigay intii aan ku guda jirnay kal dhaqameedki labaad kaas oo u dhacay si cadaalad ah waana uga mahadcelinayaa shirkadda Golis” ayuu yiri Yuusuf cumar sheikh mxamed.

Barnaamijka Mahiigaan ayaa sidoo kale shirkaddu ku bixisay hadiyado kala duwan oo ay kamid ahaayeen Computero Laptob ah, Mobilo, Dhar, kabo, qalab Sports iyo hadiyado kale waxana maamulka shirkadda ee ka qayb galay munaasbada ay balan qaadeen inay sii wadayaan dhiirigalinada caynkan ah oo ay la wadaagayso bulshada iyo macaamiisheeda.

Xafiiska warbaahinta
Shirkada Golis

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online