Iskuulka Imaamu Shaafici ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo horumar wayn ku tilaabsaday.[Masawiro]

February 17, 2016 - Written by Editor

IMG-20160217-WA0013Gaalkacyo:-Dugsiga H/dhexe ee imaamu-shaafici Gaalkacyo oo ka mid ah Iskuulada ugu faca wayn magaaladaas ayaa sanadkaan waxaa lagu sameeyey dib u habayn casri ah, iyadoo awalba uu caan ku ahaa inuu ardada akhlaaq ahaan iyo aqoon ahaanba u dhiso, ayuu noqday iskuulka kaliya magaaladaas ee wali arday fasalka 8aad ah uusan ka dhicin, ayadoo ay ka bexeen 9 dufcadood, dhamaantoodna ay ka gudbeen imtixaanka centerlized-ka ee wasaarada.

Haddaba maamulka cusub ee iskuulka ayaa sanadkaan kusoo kordhiyey dugsiga waxyaalo la taaban karo asagoo kaashanaya waalidiinta iskuulka waxaana u qabsoomay teeramkii hore kaliya ee sanad-dugsiyeedka 2015/2016 :-

1) Dhamaystirka derbiga iskuulka iyo ganjeelka laga galo.

2) Dib u habayn casri ah oo lagu sameeyey xafiiska ayadoo agabkiisiina loo dhamaystiray sida galin safiito, fadhi iyo miisas cusub, koronto galin, photo copy, armaajo iyo agabyo kale.

3) Badalida jiingadii barandada oo biyo ku fariisteen.

4) Qaybta quudinta oo meel loo dhisay.

5) Rinjiyayn iyo qurxin guud.

Hadaba bahda iskuulka oo sanadkii hore isku xilqaantay maamulkii hore inay isbitaal Hindiya ah u direen inkastoo uusan wali caafimaadin ayaa qorshaynaya inay iskuulka gaarsiiyaan horumar intaas kasii balaaran.

Mu’ssadda Al-minhaaj
Galdogob,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online