Somaliland: Go’aankii Gaafow Nama quseeyo.[Dhagayso]

February 2, 2016 - Written by Editor

gaafowHARGEYSA:-Somaliland ayaa jawaab ka bixisay go’aanka dawlada Soomaaliya ay ku sheegtay inay ku hakin doonto duulimaadyada u kala goosha magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho. Wasiir ku xigeenka amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo wariyaha VOA ee Hargeysa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac u waramay ayaa sheegay in aanu khusaynin go’aanka dowladda Soomaaliya.

Maxamed Muuse Diiriye, waxa uu sheegay in Somaliland aanay waxba ka baddalaynin go’aanadii ay hore uga soo saartay isu socodka labada dhinac. Wasiirka ayaa sheegay inaysan joojin doonin diyaaradaha ka baxaya Hargeysa ee tagaya Muqdisho, balse dowladda Soomaaliya ay ayada u taal, haddii ay dadkaas dib usoo celineyso iyo haddii kale. Cabdixakiim Maxamuud Shirwac, ayaa Hargeysa ku wareystay Maxamed Muuse Diiriye.

Hoos ka Dhagayso Wasiir ku xigeenka amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse

Source:VOA

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online