Taliyaha Ciidanka X.D.S oo Qaahira kula kulmay Taliyaha guud ee Ciidanka Qalabka sida ee dalka Masar.[Masawiro]

February 25, 2016 - Written by Editor

DSC02276Cairo:-Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Aaden Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar, ayaa kulan kula qaatay Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalkaas, Taliyaha guud ee Ciidanka  S/Guud Mohamud Hijaali iyo Saraaakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Dalkaas, waxana ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal iyo taageerada dhanka Ciidamadda ee dawladda Masar ay siiso Soomaaliya sidii loo kordhin lahaa.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qalabka sida ee dalkaas, wuxuna  tilmaamay  in booqashadani ay sii xoojin doonto cilaaqaadka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada wadan, isagoo xusay Masar taariikh fog oo iskaashi Ciidan ah in uu kala dhexeeyo Soomaaliya.

“Waxaan u mahadceliyaa Dawladda iyo Shacabka Masar sida diiran ee aniga iyo wafdigii ila socday ay dalkooda ugu soo dhaweeyeen, safarkan waa midkii ugu horeeyey ee intii aan xalka hayay dibedda ku imaado, waxana aan ku imid Masar, taas oo cadeynaysa sida ay nooga go’an tahay in xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinaca ciidamada kor loo qaado” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka S/Gaas Maxamed Aaden Axmed oo intaas raaciyey “Masar waa halkii aan ugu baxay kuliyadda dagaalka 1969-kii dufcadii 55-aad, waana saaxiibka koowaad ee Soomaaliya .

Taliyaha guud ee Ciidanka  Xoogga dalka Masar, S/Guud Mohamud Hijaali, ayaa sheegay in Masar si buuxda u garb taagan tahay dib-u- dhiska Ciidanka Xoogga, ayna ku bixin doonan maskax iyo maal.

—-DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online