Wada-hadalkii Puntland iyo Beesha Caalamka oo fashil ku dhamaaday.[Dhagayso]

February 11, 2016 - Written by Editor

IMG_9511Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhowayd wuxuu saxaafada kula hadlay xarunta madaxtoyada Puntland ee magaalada Garoowe waxaana uu sheegay in aysan jirin wax heshiis ah oo ay wada gaareen Puntland iyo wafdiga ka socday beesha caalamka ee uu horkacayey danjire Mechael Keating .

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa ku weheliyey shirkiisa Jaraa,id ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Soomaaliya QM danjire Michael Keating waxaana uu Madaxweyne Gaas iyo danjire Mechael Keating ay sheegeen in ay sii socon doonaan wadahadalada beesha Caalamka iyo Puntland.

Ergayga gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya danjire Michael Keating ayaa sheegay in wadatashi ay ula laaban doonaan magaalada Muqdisho iyo madaxda DFS waxaana la filayaa in goordhow wafdiga ka socday beesha caalamka ay ka dhoofaan magaalada Garoowe.

Isku soo wada duuboo waxaa fashil ku dhamaaday wadahadaladii u dhexeeyey wafdiga uu hogaaminayey danjire Michael Keating iyo Puntland waxaana wafdiga uu ku fashilmay in Puntland ay aqbasho nidaamka 4.5.

Hoos ka Dhagayso Madaxweyne Gaas ma jir wax hishiis ah oo la gaarnay beesha caalamka

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Puntland-.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Hoos ka Dhagayso Ergayga gaarka Qaramada Midoobay Micheal Keating oo ka garawnay codsiga Puntland

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/kate.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online