Wafdi uu hogaaminayo madaxweyne Gaas oo la filayo in beri ay u dhoofaan Itoobiya

February 15, 2016 - Written by Editor

GAAS1Garoowe:-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maalinta beri la filayaa inuu safar ku aado dalka Itoobiya walow aan ilaa hadda si rasmi ah madaxda dowladda Puntand aysan u shaacin u jeedka safarka Madaxweyne Gaas ee Itoobiya.

Socdaalka Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu ku tegayo dalka Itoobiya ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili maalmihii la soo dhaafay ay jireen warar sheegay in wasiirka arrimaha dibada dowladda Itoobiya uu ka baaqsaday safar uu ku imaan lahaa magaalada Garoowe ka dib kulankii beesha caalamka iyo Puntland ku dhexmaray Garoowe oo ku soo idlaaday natiijo la’aan.

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa inta uu joogo dalka itoobiya waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxa dalka Itoobiya iyo xubno ka tirsan beesha caalamka iyo Danjirayaal kale duwan.

Madaxda dowladda Puntland ayaa waxaa ay fariin qoraal ah u gudbisay safiirka dalka Itoobiya oo isagu qayb ka ahaa kulankii dhexmaray Puntland iyo beesha caalamka ee ka dhacay magaalada Garoowe.
M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online