Wafdi uu horkacayo Michael Keating oo safar ku tegay magaalada Baydhabo.[Masawiro]

February 15, 2016 - Written by Editor

12715403_959019177486557_5990706824924454799_nBaydhabo:-Danjirayaal iyo wakiillo ka kala socda beesha caalamka , Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Midowga Yurub, Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Uganda – oo uu hogaaminayay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa gelinki hore ee maanta booqasho ku tegay Baydhabo. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa wakiil ka ahaa Xoghaynta Joogtada ah.

Waxaa lagu marti geliyay si ay u dhageystaan fikradaha laga qabo go’aanki ay Dowladda Federaalka ah ka gaartay nooca doorasho ee 2016, qorshaha lagu hirgelinayo, iyo hindisaha khariidadda loo marayo 2020 taas oo horseedi doonta doorashooyin ‘qof iyo codkiisa ah’.

Waxay la kulmeen Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, Gudoomiyaha Baarla maanka iyo xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka ee Koonfur Galbeed, madaxda bulshada rayidka ah oo ay ka mid yihiin haweenka iyo odeydhaqameedyada.

Wakiillada Koonfur Galbeed waxay muujiyeen taageeradooda ku aaddan nooca doorasho ee la adeegsan doono dabayaaqada sanadkan, gaar ahaan sii jiritaanka habka ‘4.5’ ee lagu soo xulayo xubnaha Aqalka Hoose. Waxay walaac ka muujiyeen Aqalka Sare laakiin waxay Dowladda Federaalka ku raaceen go’aankeeda iyagoo u danaynaya nabadda, midnimada iyo maslaxadda qaranka.

Waxay taageero u muujiyeen in loo gudbo doorasho dadweye marka la gaaro 2020, haddiiba wax laga qabto arrimaha ugu waawayn, oo ay ka mid yihiin amaanka iyo matalaad ku timaada ay cadaalad ku dheehantahay. “Booqashadani aad ayay muhiim u ahayd,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Caqabadda haatan haysata dadka Soomaaliyeed waa hirgelinta nooca doorasho ee sanadkan, iyo sahminta tubta loo marayo 2020”.

Source:UNSOM

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online