Wasiir Diini “Hambalyo Sanad-guurada 51-aad ee Aas-aaska Ciidamadda Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed.

February 10, 2016 - Written by Editor

IMG_1772Muqdisho:-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa ugu hambalyeeyey Ciidammada Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed sanad guurrada 51aad ee kasoo wareegatay markii la aas aasay.

Wasiirka Gaashaandhigga  ayaa yiri “Maanta oo ay tahay 10ka bisha February-2016 waa maalintii la aas aasay Ciidanka Badda Soomaaliyeed oo qeyb ka ah Ciidammada Xoogga Dalka,waa sanadkii 51aad ee kasoo wareegatay maalintii la aas aasay oo maanta waa ay 51sano jirsadeen,Ciidanka Badda iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed guud ahaan waxaan leeyahay HAMBALY,HAMBALYO,HAMBALYO iyo sanad guurro wanaagsan”.

Wasiir Diini ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hada wado qorshe la xiriira sidii ciidankaasi loo tayeyn lahaa si uu awood buuxda ugu yeesho inuu noo ilaaliyo Baddeenna oo ah bad dhererka baaxadeedu aad u ballaaranyahay islamarkaana badda ugu xeeb dheer ee Afrika waxaana uu nasiib darro ku tilmaamay in Soomaaliya aysan laheyn ciidankii loo baahnaa ee difaaci lahaa xeebadahaas.

“Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaanna Ciidammada Badda waxaa mas’uuliyad ay ka saarantahay ilaalinta baddeenna ma ahan kaliya in cadaw laga ilaalinayo ee waa in kheyraadkeedana la ilaaliyaa,Alle waxa uu nagu maneystay kheyraad ka badan umadda Soomaaliyeed si ay shacbiga Soomaaliyeed uga faa’ideystaanna waa lagama maarmaan in la ilaaliyo”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Wasiirka Gaashaandhigga.

Wasiiir Diini, ayaa Alle uga baryey in Ciidammada Badda Soomaaliyeed uu u fududeeyo gudashada waajibaadkooda, sidoo kalena shacbiga Soomaaliyeed ayuu ka codsaday inay Ciidammadooda la shaqeeyaan.

—-DHAMMAAD—

 Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya

E-mail: gaashaandhigga@gmail.com

Twitter: @MinisterDini

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online