Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga dawladdii KMG Muxyadiin Maxamed oo Muqdisho lagu dilay

February 15, 2016 - Written by Editor

muxyadiin_qaraxa-Muqdisho:-Allaha u naxariistee waxaa goor dhow lagu dilay magaalada Muqdisho wasiirkii hore ee gaashaan-dhigga dowladda KMG ee uu Ra’iisul wsaare ka ahaa Nuur Xassan Xuseen Nuur Cadde.  Allaha u naxariistee wasiirkii hore ee gaashaan-dhigga dowladda KMG Muxiyaddiin Xasan Xaaji ayaa wxaa gaarigiisa waxaa loogu xiray miino waxaaan lagu qarxiyey xili uu marayey gaarka Is goyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Wasiirkii hore ee gaashaandhigga dowladda KMG ee uu Ra’iisul wasaare ka ahaa Nuur Xassan Xuseen Nuur Cadde ayaa waxaa uu waxaa uu soo qabtay xilal kale duwan waxaan uu hadda ahaa guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbi siyaasadeedka ee Kulan.

Ma ah markii ugu horaysay oo qof xilal ka soo qabtay dowladda Federaalka Soomaaliya lagu dilo qarax lagu xiray gaarigiisa balse waxaa qaraxyada noocaan oo kale ah lagu dilay masuuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir ,Xidhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya , saraakiil ciidan iyo wariyaal ka howl gali jiray magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa cambaareyey dilkii maanta magaaladda Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dawladdii KMG Muxyadiin Maxmaed Xaaji Ibraahim.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online