Wasiiru Dawlaha Caafimaadka Puntland oo maanta Xilka loo dhaariyey (Masawiro)

February 17, 2016 - Written by Editor

IMG_09761Waxaa maanta 17-Feb-2016 lagu dhaariyey Aqalka Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe Wasiiru Dawlaha Caafimaadka Puntland Sayid-Cumar Aadan Guuleed oo dhowaan uu xilkaasi u magcaabay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Munaasabadda dhaarinta Wasiiru Dawlaha Caafimaadka Dawladda Puntland ayaa waxay ka dhacday Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa dhaarinta ka dib kula dar-daarmay Wasiiru Dawlaha in uu shaqadiisa daacadnimo u guto isla markaana la yimaado dedaal dheeraad ah si loo sii dar-dargeliyo Caafimaadka Puntland.

“waxaan kugula dar-daarmayaa in sida aad u dhaaratay aad xilkaaga u gudato, lana timaadid dedaal iyo daacadnimo dheeraad ah, isla markaana aad ka fogaatid waxkasta oo gudashada waajibaadkaaga kaa weecinaya”ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Camey.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ayaa sidoo kale Eebe uga baryey Wasiiru Dawlaha in uu xilka culus ee loo igmaday uu u fududeeyo, isla markaana uu kadhigo mid wax badan kusoo kordhiya Caafimaadka Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA. HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online