Al-shabaab oo weerarkii ugu horeeyey oo Aargoosi ah ka fuliyey Waqooyiga magaalada Gaalkacyo

March 31, 2016 - Written by Editor

1Gaalkacyo:-Allaha u naxariisto waxaa ku dhintay qarax naftii halignimo ah oo goor dhawayd ka dhacay magaalada Gaalkacyo xisaabiyihii wasaradda Maaliyada Gobalka Mudug Siciid Cali Yuusuf oo lagu naanaysi jiray Gaadayare. Qarax ayaa dhacay xili Allaha u naxariistee Agaasimaha xisaabiyaha wasaarada maaliyadda Gaadayare uu ka soo degtay isaga iyo Ilaaladiisa gaarigisa ka  dibna qof is qarxiyey uu ku soo dhawaaday goobta uu ku sugnaa Gaadayare ka diba uu is qarxiyey halkaasna ay ku dhinteen Agaasimaha iyo qaar ka tirsan ilaaladiisa.

Qarax ayaa waxaa u dhintay ilaa 6 qof oo uu ku jiro Siyaasi Xassan Ruush oo mar wasiir kas oo noqday maamulka Galmudug, waxaa ilaa iyo hadda socda gurmadka  iyo meydadka laga qaaday goobta uu ka dhacay Qaraxu.

Qaraxa is miidaaminta ayaa waxaa uu ka dhacay Afaafka hore ee Hotel Uunlaaye ee Xero Daraawiish Gaalkacyo, waxaana goobta soo gaaray qarax ka dib ciidamo ka tirsan Puntland oo iyagu wada baartaano kala duwan.

Weerarkaan is qarxinta ah ee ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo ayaa waxaa uu noqonayaa weerarkii aargoosi ee ugu horeeyey ee ay fuliyeen Ururka Al-shabaab ka dib dagaalo ku dhex maray xeebaha Mudug iyo Nugaal ciidamo ka tirsan Al-shabaab iyo Puntland oo khasaaro badan iyo maxaabis looga qabtay ururka Al-shabaab.

Wixii soo qordha kala soco Halgan.net

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online