Al-Shabaab oo Weerartay Saldhigga Milatari ee Laanta Buur

March 21, 2016 - Written by Editor

shabaabWararka ka imanaya Gobalka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-shabab ay weerar culus xalay ku qaadeen saldhigga miltari ee ciidamada dawladda ay ku lahaayeen Laanta Buur. Weerar kale ayaa la sheegay inay Al-Shabab ku qaadeen saldhigga Shanta Golaha Sare oo u dhow Laanta Buur.

Al-Shabab maleeshiyadooda ayaa wararku sheegayaan inay laba dhinac kasoo weerareen, khasaare culusna uu halkaas ka dhacay.

Ciidanka saldhigga joogay ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin Guutada Shanaad.Wararka ay sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Sidoo kale waxa wararku sheegayaan in baabuur tikniko ah ay u gacan galeen Al-Shabab.

Al-Shabab ayaa la sheegay inay baabuurtaas la aadeen dhinaca magaalada Awdheegle.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegay inay hub iyo saanad kale ku qabsadeen weerarka. Al-Shabab waxay kaloo sheegatay inay dishay tobanaan askari laakiin si madaxbannaan looma xaqiijin seegashadaas. Taliye ka tirsan dawladda ayaa beeniyey inay ciidan tiradaas le’eg ka dhinteen. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa VOA u sheegay in ilaa haatan la helay maydka lix askari, khasaarahana uu sii kordhi karo.

Wararku waxay intaas ku dareen in ilaa lix baabuurta dagaalka ah ay qabsadeen maleeshiyada Al-Shabab kuwo kalana ay burburiyeen.

VOA Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online