Arday gaaraysa 82 oo tafsiirka qur’aanka dhamaystay oo abaal marino la gudoonsiiyey.[Masawiro]

March 26, 2016 - Written by Editor

20160324_190555Boosaaso:-Habeenimadii  Jimca ahayd waxaa ka dhacay Masjidka Ramadan Xaflad si weyn loo soo agaasimay Xafladaas oo lagu maamuusayey Khatimka Tafsiirka Qur’aanka ee ka socday Masjidkaas ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari Xafladaan oo ay soo  Agaasintay Mu’asasada Al-Minhaaj Faraca Bari ayaa waxaa shahaadooyin iyo abaal marino lagu gudoon siinayey arday dhamaysatay Tafsiirka qur’aanka kariimka ka ah ee uu akhriyo Sh.C/rahman Bukhari .

Tafsiirka qur’aanka oo sanad walba lagu khatimo masjidka Ramadaan ayaa sanadkaan waxaa ku taxnaa arday gaaraysa 82 arday , waxaana ku guulay stay in lasiiyo ijaazo 8 arday. Munaasabada lagu Maamusayey Khatimka Quraanka ayaa waxaa Xafladaas waxaa ka soo qayb galay culimaa udiinka ,ganacsato ,madaxda dhaqanka, maamulka mu’asasada alminhaaj iyo dadweyne aad u fara badan.

Xaflada oo ku bilaabatay Jawi degan ayaa lagu furfurtay Aayado ka mid ah Qur’aanka ka dibna waxaa toos loo guda galay Qaybihii kala duwana ee Xafladu ka koobnayd .

Sh. C/raxmaan Maxamed Bukhaari oo kalmad ka soo jeediyey munaasabada ayaa kasheekeeyey mudada uu kawaday masjidka tasfiirkaan qur’aanka iyo in dufco oo ka aflaxay tafsiirka. Shekh c/raxman bukhari oo hadalkiisa sii wata ayaa dardaaran qiimo badan u jeediyey ardayda iyo bulshadaba.

Sh. Mowliid Mataan Axmed mataan oo kamid ah culimadii goobta ka hadashay ayaa aad ubogaadiyey qaabka Tafsiirka qur’aan uu u akhriyo  shekh c/raxmaan  isago tilmaamay in uu yahay qaab aad wax tar u ah kuna soo bixi karto culimo loona baahanyahay in laga hirgaliyo magaalooyinka kale.

Xaflada oo aad u dheeratay ayaa waxaa ka hadlo isugu jira :dhiiri galin, boogaadin iyo dardaaran k asoo jeediyey madaxda ka socotay shirkadaha Golis, Somtel, Salama Bank , gudoonka rugta ganacsiga nabadoon c/qaadir xarago iyo masuuliyiinkale . Gabagabadii munasabada ayaa waxaa soo xiray gudomiya Mu’asasada Alminhaaj faraca bari  Xassan c/laahi Sh.Xassan . Ugu Danbayntii xaflada waxaa loo qaybiyey iyo abaalmarino kala duwan ardaydii ku xirnayd Tafsiirka Qur’aanka ee Sheekh C/raxaman Bukhaari.

Mu’assadda Al-minhaaj
Boosaaso,Halgan.net

 

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online