Banaanbax looga soo horjeedo Al-shabaab oo ka socda magaalada Burtinle.[Dhagayso]

March 31, 2016 - Written by Editor

banaanbaxburtiBurtinle:-Wararka naga soo gaaray magaalada Burtinle ee gobalka Nugaal ayaa sheegaya in uu ka dhacay banaanbax weyn oo looga soo horjeedo Ururka Al- Shabaab oo saaka qarax nafti halignimo ah ka fuliyey magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug Taliyaha ciidanka Booliska ee magaalada Burtinle ee Gobolka Nugaal Siciid Cabdi Axmed oo waraysi gaar ah siiyey Idaacadda Radio Daljir ayaa u xaqiijiyey in uu jiro banaanbax ka dhacay magaalada loogana soo horjeedo ururka Al-shabaab iyo welba qaraxii saaka ka dhacay Gaalkacyo ee lagu dilay Allaha u naxariistee xisaabiyihii wasaradda Maaliyada ee Gobalka Mudug Siciid Cali Yuusuf (Gaadayare).

Dadweynaha banaanbax dhigayey ayaa u dhawaaqayey hal ku dhagyo lid ku ah ururka Al-shabaab waxaan uu Taliyuhu sheegay in ay jiraan dadka qaar in ay weerareen Meherado ku yaal Burtinle balse ciidanka Boolisa iyo odayaash magaaladu ay la hadleen una sheegeen in aysan waxba u geysan cid aan wax danbi ah lahayn.

Hoos ka Dhagayso waraysiga Radio Daljir uu siiyey Taliyaha ciidanka Booliska ee magaalada Burtinle ee Gobolka Nugaal Siciid Cabdi Axmed

[audio: http://daljir.com/resources2/files/Siciid%20Cabdi%20Axmed%20Kurtu.MP3]

Halkaan ka Dhagayso mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online