Ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo soo galay deegaanka Af-barwaaqo ee hoos yimaada Gal-Mudug

March 23, 2016 - Written by Editor

shabaabGaalkacyo:-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Afbarwaaqo oo hoostaga Gobolka Mudug kana tirsan deegaanada  maamulka Galmudug in ay halkaas ay gaareen ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo xeebaha gobolka Mudug gaar ahaa deegaano hoostaga magaalada Garacad ay ku dagaalameen ciidanka Puntland.

Warar hordhac oo soo baxay ayaa sheegay in ciidanka Al-shabaab ee ka soo baxay deegaanada Puntland ee hoos taga degmada Jariiban ee Gobolka Mudug ay u soo talaabeen  deegaanka Af- Barwaaqo ayana si nabadgelyo ah kula wareegeen. Wararka laga hellay dadka deegaanka Af-barwaaqo ayaa xaqiijinaya in ciidanka Al-shabaab ee ka yimid dhinac deegaanka Dhinowda oo ka tirsan magaalada Garacad ee ka tirsan degmada Jariiban ee Gobolka Mudug ay u soo talaabeen deegaano ka tirsan maamulka Gal-Mudug.

Dhinac kale wararka ka imaanaya  magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in madaxda iyo saraakiisha maamulka Gal-Mudug ay wadaan abaabul ciidan oo ay uga hortagayaan in ciidanka ururka Al-shabaab ay isku balaadhiyaan deegaanada ay gacanta ku hayaan Gal-Mudug ayna doonayaan in ay ciidamo u diraan degaano ay ka mid yihiin  Jaray iyo Qalqalooc oo hoos yimaada magaalada Af-barwaaqo ee Bariga Gobolka Mudug.

Soo gelitaanka deegnaaka Af-barwaaqo ee ka tirsan Gal-Mudug ee ciidanka Al-shabaab ayaa ku soo beegmaya xili dagaalo culus ay ku dhexmareen Toggga Suuj, Garmaal iyo Godobjiiraan ee gobolka Nugaal iyo weliba magaalada xeebta ah ee Garacad ciidamo ka tirsan dowladda Puntland iyo ururka Al-shabaab.

Madaxda dowladda Puntland ayaa saxaafadda ka sheegtay in dagaalkii ka socday Aaga Togga Suuj, Garmaal iyo Garacad ay soo afmeereen kana gaareen guulo ciidankii Al-shabaabna ay hadda ka baxeen xuduudaha Puntland , ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka Al-shabaab oo ku saab san dagaalada ciidankooda ay la galeen kuwa Puntland.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online