Ciidanka Badda Puntland oo qabatay doomo sharci darro ah [Video/Masawiro]

March 2, 2016 - Written by Editor

IMG_2631Boosaaso:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in ciidanka Badda Puntland ay soo qabteen doomo nooca kalluumeysiga, kuwaasoo si sharci darro ah uga kaluumeysanayey xeebaha gobolka Bari.

Taliska ciidamada badda ee maamulka Puntland ayaa sheegay in Howlgal ay ciidamada badda Puntland ay ka sameeyeen xeebaha u dhexeeyo magaalooyinka Boosaaso iyo Qandala ay ku qabteen shan doomood, iyo 50 shaqaale ka howlgalayey oo isugu jira Soomaali iyo Yemeniyiin waxaan dhamaantood lagu xiray xabsiga magaalada Boosaaso .
Taliyaha ciidamada badda Puntland, Admiral C/risaaq Diiriye Faarax ayaa sheegay in doomahan iyo shaqaalaha saarnaa ay ku xadgudbeen sharciga kalluumeysiga Puntland, wuxuuna sheegay in dhawaan maxkamad la keeni doono .

Kaluumeysiga sharci darada ah ee xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa laga helaa malaayiin lacag ah waxaana dhibaato badan ay ka soo gaartay kaluumesatada Soomaaliyeed.

Hoos ka Daawo Shirka jaraa,id ee uu ku qabtay taliyaha ciidanka Puntland Admiral C/risaaq Diiriye Faarax

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online