Ciidanka Puntland iyo koox sheegtay Al-shabaab oo dagaal ku dhex marayo Deegaanka Suuj

March 16, 2016 - Written by Editor

11218684_1141295335894198_4918478487447957249_nGaroowe:-Wararka naga soo gaaray magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Puntand gaar ahaan kuwa PSF ,PIS iyo ciidanka daraawiishtu ay weerareen deegaanka Toga Suuj oo ilaa 20 KM oo qiyaastii 20km dhanka Waqooyi beri kaga beegan tuulada Garmaal waxan ka socda dagaal u dhexeeya ciidamo la sheegay in ay yihiin Daacish kan go’ay Al-shabaab oo maalin ka hor ku yimid doon magaalada xeebta ah ee Garacad oo ka tirsan degmada Jariiban ee Gobolka Mudug.

Dadka deegaanka oo u badan xoolo dhaqato ayaa waxaa soo food saartay cabsi iyagoo ka baqaya in khasaaro ka soo gaarto hubka labada dhinac ay isku adeegsanayaan, waxaa aad u adag in la ogaado khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka socda.

Dhinac magaalada xeebta ah ee Garacad ayaa la sheegayaa in uu gaaray saaka Gen. Afdalow iyo ciidamo la socoda iyagoo ku biiray Ciidamo uu hogaaminayo Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Puntland Gen.C/qaadir Shire Faarax o o shalay gaaray degmada Jariiban ee Gobolka Mudug.

Wixii soo kordha kala soco Halgan.net

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online