Dagaal ka socda magaalada dhuusamareeb ee Gobolka Gal-gaduud

March 2, 2016 - Written by Editor

dagaalDhuusamareeb:-Wararka naga soo gaaraya magaalada dhuusamareeb ee Gobolka Gal-gaduud ayaa in xalay ilaa saaa waxaa a socda dagaal u dhexeeya ciidamada maamulka gobollada dhexe ee Suufiyada iyo Sarkaal horay uga soo goostay ciidanka dowladda Federaalka Soomaalya ee raacsan maamulka Gal-Mudug laguna magacaabo Liibaan Maxamuud  Madaxweyne.

Dagaalka ayaa salka ku hayey ka dib markii muran uu ka dhashay markii maamulka Gobollada dhexe ay ku amreen Liibaan Maxamuud Madaxweyne oo ahaa Sarkaal horay ka soo goostay ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee raacsan maamulka Gal-Mudug uu u hubkiisa ku wareejiyo maamulka Gobollada dhexe  ee Suufiyadu hogaamiso.

Dagaalka oo ka dhacay Magaalada dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud  ayaa la sheegay in Ciidamada ka tirsan Maamulka Gal-Mudug ay ku soo biireen dagaalka islamarkaana ay qeybo ka mid ah xaafaddaha ay ka dagaalamayeen sidda saxaafadda ay ka soo xigatay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gal-Mudug

Dagaalka ka dhacay magaalada dhuusamareeb ee Gobolka Gal-gaduud oo ah mid nasiib daro ah ayaa waxaa khasaaro ka soo gaartay guryo iyo goob ay degan yihiin dadka shacabka ah halka khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ay soo kala gaareen maleeshiyaadkii uu dagaalka ka dhex socday.

Ciidanka  maamulka gobollada dhexe ee Suufiyada ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen Saldhiga Booliska iyo goobo kale oo xalay ay ka baxeen markii dagaal lagu qaaday ka dibna dagaalkii saaka ayaa waxaa ay ku qabteen Sarkaalkii hogaaminayey dagaalka ee raacsanaa maamulka Gal-Mudug oo lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online