Dagaalkii ka socday Aaga Garacad oo istaagay iyo maxaabiis laga qabtay Al-Shabaab

March 20, 2016 - Written by Editor

askariWararka naga soo gaaraya Degmada Garacad ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in Madaafiic caawa fiidkii lagu garaacayo deegaanadii saaka uu dagaalka ka qarxay qaar ka mid ah waxaana kooxda Al-Shabaab laga saaray gooba kala duwan sida ay warbaahinta maxaliga u sheegeen saraakiisha ciidamada Puntland.

Dagaalka maanta ka qarxay deegaanada Dabakaro ayaa waxaa ka dhashay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac kaasoo gaaray kooxda Al-Shabaab iyo ciidanka Puntland waxaana lagu dagaalamayey deegaan caduun ah oo leh geedo yar yar .

Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaaray Halgan.net ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay ka dhinteen 3 askari ayna ka dhaawacmeen 21 kale ,Dhanka kale ciidanka Al-Shabaab ayaa la sheegayaa in uu gaaray khasaaro kala duwan lagana qabtay maxaabiis .

Goobjooge ku sugan deegaanada hoos taga Degmada  Garacad ayaa u sheegay warbaahinta  in dagaalkii saaka uu ahaa kii ugu xooganaa laguna arkay goobihii dagaalka ka dhacay maydad badan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab .

Dhanka Suuj ee gobalka Nugaal ayaa sheegaya in kooxo ka tirsan Al-Shabaab oo ka firxaday deegaanka Suuj oo gaaraya 40 ay noqdeen 9 nolal lagu qabtay 18 dhaawac ah iyo 13 la dilay waxaana looga daba tagay deegaano ka tirsan gobalka Karkaar ee Qardho.

TV-ga Puntland ayaa waxaa ay baahiyeen meydad ay ku sheegeen kooxda Al-Shabaab kuwaas ku dhintay deegaanka Suuj waxayna tiradooda ku sheegeen 50 .Ilaa hada ma jirto cid ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadlay guulaha ay sheeganayaan saraakiisha ciidanka Puntland .

Waxaa goordhaweyd hakaday dagaal xooggan oo u dhaxeeyay kooxda Shabaab iyo ciidamada Puntland, waxaana la maqlayaa Madaafiiic iyo rasaas goosgoos ah .waxaan sidoo kale jira dhaawac la geeyey Degmada Garacad wili ma sugnada tiradooda.

Wixii warar ah ee soo kordha kala socda Halgan.net

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online