Dufcadii 2aad oo ka Qalin jabisay Jaamacada Bariga Africa Faraca Qardho.[Masawiro]

March 11, 2016 - Written by Editor

FILE260Qardho:-Ardaydan ka qalinjabisay jaamacada bariga Africa faraca magaalada Qardho ayaa isugu jiray arday dhamaysatay heerka koowaad ee Jaamacada oo tiradooda tahay 36 arday kuwaasoo ka kala qalinjaiyay kuliyadaha kala ah Maamulka iyo Maaraynta, Computer Science ka iyo Shareecada halka 9 gabdhood ay dhamaysteen Diploma (Nursing) kalkaalisinimo ah.

Xaflada qalinjabinta ardayda ayaa waxaa kasoo qaybgalay Masuuliyiin kala duwan oo ugu horeeyo Wasiir kuxigeenka wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland Pro. Maxamed Cali Faarax, Maamulka gobolka, Kan degmada, Maamulka sare ee Jaamacada, Masuuliyiinta Shirkadaha Golis, Somtel iyo marti sharaf kale.

Xaflada ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Maamulka sare ee Jaamacada Bariga Africa iyo maamulka faraca waxayna si wadajir ah ugu hambalyeeyeen ardayda qalinjabisay iyo waalidiintoodaba iyagoo kula dardaarmay ardayda inay aqoontooda dadka iyo dalka ku anfacaan siina horumariyaan, waxay sidoo kale goobta uga mahadceliyiin dadka farakutiriska ah ee ka qayb qaata horumarinta jaamacada waxay si gaar ah ugu mahadceliyeen Wasiirka Maaliyada Puntland C/llaahi Sheekh Axmed oo gaari Mini bus ah jaamacada soo gaarsiiyay kaas oo Dowlada Puntland ay jaamacada ugu deeqday iyo shirkada Isgaarsiinta Golis oo iyaduna lacag gaaraysa ($7,000) ugu deeqay jaamacada lacagtaas oo ah daynt miisaaniyada Jaamacada sanadkii 2015.

Sh. Axmed Cawaale Gaare oo Munaasabada ka hadlay ayaa bulshada Qardho kula dardaar may inay taageeraan barnaamijka isku tashiga ah ee jaamacada lagu horumarinayo kaas oo ah in guri walba oo biil koronto bixiya inuu biilka korontada raaciyo haldoolar oo lagu horumarinayo jaamacada wuxuuna dhankiisa balan qaaday isagoo ka masuul ah shirkada isgaarsiinta Golis inay jaamacada ka bixin doonaan sidii horayba looga bartay daymo lagu yeeshay jaamacada sanadkii 2015 taasoo cadadkeedu yahay ($7,000) wixii kaloo baahiya ahna dhankooda ay diyaar layihiin.

Maamulka gobolka kan degmada Masuuliyiinta shirkada somtel oo qaban qaabada xaflada qayb ka qaadatay ayaa dhankooda sheegay inay u istaagi doonaan ka qaybqaadashada horumarinta jaamacada.

Wasiir kuxigeenka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland oo munaasabada soo xiray ayaa qalinjabiyaahsha ugu hambalyeeyay qalinjabintooda kulana dardaarmay inay dhamaystirtaan qaybaha kale ee uga haray waxbarashadooda sare.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online