Laascaanood oo lagu soo Bandhiggay Kitaabkii PhD-da ee Dr. Ahmed Jama Ismail Mire[Masawiro]

March 6, 2016 - Written by Editor

IMG_3018 (2)Laascaanood:-Jaamacadda Nugaal ee magaalada Laascaanod ee xarunta Gobolka Sool ayaa bandhig heer sare ah u samaysay Kitaab uu Dr Axmed Jaamac Ismaaciil Mire dhawaan ku qaatay shahaadada Diktooraaga( PhD).Munaasabadda oo ahayd mid balaadhan ayaa waxaa kasoo qayb galay culimada Gobolka, ganacsatada,maamulka iyo ardayda jaamacadaha Golis iyo ileys,sharikadaha isgaadhsiinta, iyo waliba xawilaadaha iyo Bangiyada.

Waxana ugu horeyba uu diktoorku ku soo bandhigay halkaasi kitaabka oo ka koobnaa 690 bog kuna saabsanaa Sarifka Xawilaadaha lacagta iyo Jeegaga iyo axkaamteeda sharciga ah, uuna dhawaan shahaadada  Diktooraaga( PhD)da kaga soo qaatay Jaamacadda Islaamiga ah ee Madiina .

Soo bandhigga Kitaabka ayaa ahaa mid aad ay ula dhaceen dadkii munaasabadda goob joogga ka ahaa, isla markaana ay ka muuqatay dadaal badan oo uu drku ku bixiyey qoraal kiisa, iyo waliba aqoon dheer ee uu uleeyahay Nidaamka Xawilaadaha iyo Bangiyada.

Gabagabadiina ka soo qaybgalayaasha ayaa uga mahad celiyey drka dadaalka uu bixiyey iyagoona ku booriyey in uu qoraalka sii wado, waxaana  goobta  lagu soo bandhigay  1000 Nuskho oo kitaabka ka mid ah, ayna qaadanayeen dadweynihii kala duwanaa ee munaasabadda ka soo qayb galay.

Mowliid/Ahmed Said
Lascanod,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online