Madaxweynaha Dawladda Puntland oo gaarey Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug.[Cod/Masawiro]

March 23, 2016 - Written by Editor

IMG_2881Jariiban:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayey oo saaka hiirtii waaberi kasoo jarmaaday magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland ayaa 23-March-2016 waxa siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jarriiban ee Bariga Gobolka Mudug.

Waftiga Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirro, Xildhibaano, Saraakiil ka tirsan Madax tooyada Dawladda Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dawladda Puntland, waxaana ka qayb-qaatay soodhoweynta Madaxweyna Maamulka Gobolka Mudug, kan Degmada Jarriiban, odayaal dhaqameed,  xubno ka tirsan labada gole ee dawladda iyo boqollaal kamid ah dadweynaha ku dhaqan Degmada Jarriiban ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa soo dhoweynta kadib kulan la qaatay odayaasha iyo waxgaradka Degmada Jarriiban waxaana uu sheegay in socdaalkiisu uu ku qotomo  sidii uu ugala qayb geli lahaa ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland iyo  dadweynaha ku dhaqan degmada Jarriiban  dabaal degga ay ugu dabbaal degeyaan guulihii lama ilaawaanka ahaa ee ay ciidamada difaaca ee Puntland kasoo hooyeen kooxihii sharwadayaasha ahaa ee kusoo duuley Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in guulihii laga gaadhey dagaalkii aan la galnay kooxaha sharwadayaasha alshabaab ay sabab u ahayd midnimada shacabka Puntland islamarkaana loo baahan yahay in dadka Puntland ay kawada shaqeeyaan sidii ay siwada jir ah ugu adkayn lahaayeen Midnimada Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka ay Dawladda Puntland kula jirto kooxaha nabad diidka ah ee alshabaab uu yahay bilow isla markaana loo baahan yahay dadka Puntland in ay kaalintooda qaataan, sidoo kalena ciidamada sooma-jeestayaasha ah ee Puntland-na ay sii laba jibbaari doonaan heeggankii ay ugu jireen difaaca dalkooda, dadkooda iyo diintooda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa mahadnaq ballaaran hawada u mariyey guud ahaan shacabka reer Puntland meelkastoo uu joogo, gaar ahaana ciidamada geesiyaasha ah ee jebiyey cadowgii kusoo duuley Puntland, sidoo kalena waxaa madaxweynuhu uu umahadnaqay dadka reer miyiga ee sida weyn ula shaqeeyey ciidanka isla markaana soo sheegayey geed-walba iyo goob-kasta oo ay ku dhuumaalaysanayeen kooxahaas sharwadayaasha ahi.

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Codka-Madaxweynaha-ee-Safarki-Jariiban.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

—DHAMMAAD—-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online