Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh oo u hambalyeeyay ciidanka maamulka Puntland

March 23, 2016 - Written by Editor

xasanMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa hambalyo u diray ciidanka dowlad goboleedka Puntland, guulihii ay ka soo hoyeen dagaalkii ay la galeen cadowga ummadda Soomaaliyeed ee argagixisada Al Shabaab oo doonayey inay degaannada Puntland isku fidiyaan.

“Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka iyo kan Ciidammada Qalabka Sida, waxaan si diiran u soo dhoweynayaa uguna hambalyeynayaa geesiyaasha ciidanka Puntland guusha taariikhiga ah ee ay gaareen ee ay ku burburiyeen argagixisada Al Shabaab oo caadeystey falalka diinta iyo aadminimadaba ka baxsan’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dhirbaaxada kulul ee loo gaystey Al Shabaab ay dhiirigelin u tahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee dagaalka kula jirta argagixisada, daliilna ay u tahay in cadowga ugu dambeyntii laga sifeyn doono qeybahaa yare e ay weli ku harsan yihiin.

‘’Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo maamullada dalka ka jira waxay ka mideysan yihiin dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada, waana waajib ina wada saaran inaan taageero buuxda u fidino degaan walba oo dalka ka mid ah oo khatar kala soo gudboonaada argagixisada. Al Shabaab waa naf la caari, markii culeyska gobollada kale ka haysta uu kordhey ayay isku dayeen inay goobo kale oo dagaal ka furan Puntland, taasina waxay noqotey riyo ay beeniyeen ciidanka maamulka Puntland’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyntii sheegay in dowladda ay muhimadda koowaad siineyso dib u dhiska iyo isku dhafka Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay u hantaan amniga guud ee qaranka.

——————–DHAMMAAD–—————–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online