Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Gaas oo la filayo in uu maanta dib ugu soo laabto Garoowe

March 21, 2016 - Written by Editor

GAAS1Garoowe:-Waxaa maaanta lagu sugayaa magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Itoobiya. Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayeen dalka Itoobiya ayaa waxaa uu kulamo la qaateen Madaxda ugu saraysa dalka Itoobiya isagoo kala hadlay xaalada colaadeed ee ka soo cusboonaatay xeebaha Puntand gaar ahaa Gobolka Mudug iyo Nugaal oo dagaalo ay ku dhexmareen ciidanka Puntland iyo Al-shabaab.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa mudo bil ah safar uga maqanaa Puntland iyadoo maqnaanshihisa ay ku soo beegayso xili guluf weerar ah ay ururka Al-shabaab ku soo qaadeen xeebaha Gobolka Mudug iyo Nugaal si ay dhul ama deegaano hor leh uga qabsadaan Puntland.

Garoonka diyaaraha ee magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa waxa ka socda abaabul weyn oo lagu soo dhaweynayo wafdiga Madax weynaha Dowladda Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas iyadoo la filayo in saxaafaddu wax ka wiidiiso safarkiisa dibada iyo dagaalada ka socda xeebaha Gobolka Mudug iyo Nugaal.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Halgan.net

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online