Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu soo kordhiyey Wasaaradda Warfaafinta.[Masawiro]

March 28, 2016 - Written by Editor

IMG_3646Garoowe:-Madaxeynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 28-March-2016 waxaa uu Garoowe ka dhagax dhigay dhismaha cusub ee ICT, kaas oo lagu soo kordhin doono  Wasaaradda Warfaafinta dawladda Puntland.

Dhagax dhigan dhismaha ICT uu maanta dhagax dhigay Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa waxaa ku weheli yey Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiid Sharmaarke oo mudo afar maalmood ah ku sugan magaalada Garoowe ee Caasimada Dawlada Puntland.

Sidoo kale munaasabadda Dhagax dhigga ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubo ka tirsan golahayaasha wasiirada ee dawladda Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya, Waxaana Munaasabadda Dhaga-dhigga hadallo faahfaahin ka jeediyey Wasiirka Warfaafinta Dawladda Puntland iyo Wasiirka Boostada iyo isgaadhsiinta Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in nidaamkani uu wax badan kusoo kordhin doono nidaamka isdhaafsiga xogaha ee wasaaradaha kala duwan ee dawladda Puntland iyo guud ahaan isgaadhsiinta Puntland.

“waa Barnaamij wax badan ka beddeli doona aqoonta, isdhaafsiga macluumaadka iyo isgaarsiinta, waa mashruuc leh wejiyo kala duwan oo hadda wejigiisii koobaad oo uu bangiga adduunku maal-gelinayo aynu maanta dhagax dhignay, ayna ku xigi doonaan mashaariic kale” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Ra’iisul-wasaaraha oo ay xukuumaddiisu door ku lahayd hirgelinta mashruucan muhimka u ah Puntland qaybna ka ah deeqaha soomaaliya loogu deeqay isla markaana Puntland qaybteedii lasoo gaadhsiiyey.

“Ra’iisul-wasaare aadbaad ugu mahadsan tahay in aad nagala soo qayb gashid dhagax-dhigga mashruucan, qaybna aad ka ahaataan adiga iyo xukuumaddaaduba hirgelinta mashruucan oo runtii ah waxyaabihii ay dawladda Puntland ka filaysey dawladda Federaalku in ay laqaybsato, isla markaana ay Deeqaha loogu talo galay Soomaaliya ay Puntland ka hesho wixii ay xaqqa u lahayd” ayuu yiri Madaxweyne Dr. Gaas.

Sidoo kale Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliyeed Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in ay waajib tahay in dalka lagu baahiyo deeqaha loogu deeqo dalka Soomaaliya, isla marhaantaasina intaasi sii raaciyey in  barnamijkanina uu qayb ka yahay deeqahaasi.

Barnaamijkan ITC ayaa noqon doono mid lagu dardar gelin doono nidaamka isgaarsiinta Puntland iyadoo la adeegsanayo Tiknoolojiyadda Casriga ah (ICT) waxaana maal -gelin doona Bangiga Adduunka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli  Maxamed Cali Gaas oo uu weheliyo Ra’iisul-waaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo booqday dhaawacyadii ciidamada Difaaca Dawladda Puntland iyo dadkii rayidka ahaa ee ku dhaawacmay dagaaladii ciidamada dawladda Puntland ay la geleen kooxaha Al-shabaab.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online