Madaxweyne Camey oo ugu baaqay hay’adaha in ay dar-dargeliyaan ka qayb qaadashada gurmadka Abaaraha.

March 11, 2016 - Written by Editor

IMG_2190Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim C/llaahi Xaaji Cumar Camey ahna  guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha Puntland oo ay wehelinayaan xubnaha guddiga gurmadka  abaaraha ayaa maanta March 10, 2016 waxa uu xarunta Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe kulan kula qaaday dhammaan hay’adaha ka hawl-gala Puntland.

Kulankan ayaa waxa uu daba socdey mid isaga la mid ah oo qabsoomay Feb 16,2016-ka laguna qabtay qasriga Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe isla markaana lagu qorshaynayey qaababka kala duwan ee ay hay’aduhu uga qayb qaadan karaan gurmadka abaaraha ee afeeyey dadka iyo duunyada ku dhaqan qaybo kamid ah goballada Puntland.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu gorfeeyey sidii loo sii dar-dar gelin lahaa gurmadka iyadoo diiradda la saari doono gobollada ay sida gaarka ah u saameeyeen abaaruhu kuwaasoo kala ah Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan, Sool iyo Nugaal oo dhammaantood ah dhulkii ay ku yarayeen roobabkii guga iyo dayrta ee ugu dambeeyey.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa hay’adaha ka hawl-gala Puntland ugu baaqay in ay xoojiyaan caawimaadda dadka iyo duunyada ay abaaruhu wax-yeeleeyeen.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in Dawladda Puntland ay gurmadka  shacabkeeda abaaruhu saameeyeen ay doorkeeda ka qaadatay isla markaana waxaa u sheegay in loo baahan yahay dhammaan dadweynaha reer Puntland meelkastoo ay joogaan in ay u istaagaan siday u badbaadin lahaayeen dadka iyo duunyada la daalaa dhacaya abaaraha.

Ugu dambayntii Egn.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey kusimaha Madaxweynaha ayaa Eebbe uga baryey dadka iyo duunyadaba in uu raxmaadkiisa khayrka qaba uu siiyo kana saaro abaaraha jira.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online