Madaxweyne Gaas oo dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe.[Cod/Masawiro]

March 21, 2016 - Written by Editor

DSC_2765Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas oo in muddo ah safar shaqo ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa maanta 21-March-2016 dalka dib ugu soo laabtay siweyna loogu soo dhoweeyey magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.Soo dhoweyenta Madaxweynaha ayaa waxaa ka qayb qaatay Madaxweyne kuxigeena Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiyaha golaha wakiillada dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi, kuxigeenkiisa labaad, xildhibaano, wasiiro, siyaasiyiin, urarada haweenka, saraakiisha ciidamada iyo bulshada qaaybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha ayaa intaasi kadib waxa loosoo gudbiyey Qasriga Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe waxaana uu ka war bixiyey safar kiisii shaqo ee uu ugu maqnaa dalka dibadda iyo duullaankii ay kooxaha shar wadayaasha alshabaab kusoo qaadeen goobo  kamid ah deegaan xeebeedyada cariga Puntland.

Ugu horrayn, Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland ayaa soo jeediyey kelmedo soodhoweyn ah waxaana uu Madaxweynaha uga warbixiyey xaaladdii ugu dambeysey ee dalka iyo sidii ciidamada aan gabbashada aqoon ee Puntland ay cagta umariyeen kooxihii sharwadayaasha ahaa kusoo duuleey Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guud ahaan shacabka Puntland meelkastoo ay joogaan uga mahadceliyey  midnimadii iyo isku duubnidii ay u muujiyey cadowgii kusoo duuley dalkooda iyo sida wanaagsan ee ay u garab taagnaayeen ciidamadooda geesi-yaasha ah ee difaacayey Diintooda, Dadkooda iyo Dalkooda.

“waxaan u mahadcelinayaa shacabweynaha reer Puntland meelkastoo ay joogaan, midnimadii ay muujiyeen, wadajirkii ay muujiyeen, si’ay meel ugaga soo wadajeestaan cadowgaa kusoo duuley dhulkoodii iyo diintoodii.

Waxaan aad ugu mahadnaqayaa iyaguna ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland ee u istaagey in ay difaacaan dalkooda, diintooda iyo dadkooda cadowgoodana cashar lama illaawaan ah siiyeen, ilaahay waxaan ka rajeynayaa inuu jannadii kawaraabiyo intii shihiidey iyagoo dalkooda difaacaya, inta dhaawaca ahna in ilaahay u booga dhayo.

Waxaan sidoo kale aad ugu mahadnaqayaa haweenka reer Puntland ee Sabaayadda dubayey, waxaan aad ugu mahadnaqayaa dhallinyarada reer Puntland ee dhiiggooda shubayey, waxaan aad u bogaadinayaa odayaasha reer Puntland ee marwalba dhiirri gelinta iyo hanuuninta lagarab taagna ciidankooda” ayuu yiri Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay tahay Mid keliya iskagana filan tahay sharwadayaasha shabaab iyo cidwalba oo isku dayda in ay wax u dhinto xasiloonida gaamurtey ee ka jirta Puntland isla markaana aanay u baahnayn ciidamo shisheeye oo ka hawl gala Puntland.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayuu u sheegay Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas in ay Puntland xaq u leedahay inay hesho qaaybteeda wax kasta oo lagu bixinayo magaca Soomaaliya iyo ilaalinta nabadgeliyada Soomaaliya.

“Waxan rabaa Beesha caalamka inaan u sheego inay Puntland xaq uleedahay inay hesho qaybteeda wixii Soomaaliya loogu talo galay oo ahaa dhaqaalaha badan ee lagu bixinayo magaca Soomaaliya, taas oo laagu tala galay nabadgelyada iyo xasiloonida Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Dr. Gaas.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa u mahaceliyey guud ahaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee uu kulamada kula soo qaatay Qaaradda Ameerika sidii wanaagsanayd ee ay usoo dhoweeyeen, waxaana uu ugu baaqay inay kaqayb qaataan difaaca Puntland.

Hoos ka Dhagayso shirka jaraa’id ee Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Gaas

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/dagaal-Madaxweynaha.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Hoos ka Dhagayso shirka jaraa’id ee Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng.Camey

[audio:http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/codka-madaxweyne-kuxigeenka.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online