Madaxweyne ku-xigeenka dalka Burundi oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho

March 16, 2016 - Written by Editor

burundiMuqdisho:-Madaxweyne ku-xigeenka kowaad ee dalka Burundi Gaston Sindimwo ayaa maanta booqasho laba maalmood ah ku yimid magaalada Muqdisho, waxaana uu shir la qaatey Madaxweynaha Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wefdiga Burundi ku qaabiley xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka mahad celiyay doorka dowladda Burundi ay ka qaadaneyso sidii nabad waarta Soomaaliya loogu soo dabaali lahaa, isagoo dhanka kalena xusay in labada dal ay dhinacyo badan iska kaashan karaan.

“Burundi waa dal aanu walaalo nahay oo taageerada ay ina siiyeen qeyb ka noqon doonta taariikhda Soomaaliya. Dib u soo kabashada Soomaaliya Burundi kaalin weyn ayay ka qaadatey, waxaana rajeynayaa inaan ka wada shaqeyn doono iskaashi buuxa oo labada dal dhex mara.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay kalsooni ku qabto hoggaanka dalka Burundi iyo shacabkiisa inay xalin karaan xurguftii yareyd ee dhinaca siyaasadda ee dhowaan Burundi ka dhacdey, Soomaaliyana ay taageersan tahay mowqfika Burundi ee xalinta xurguftaasi.

Madaxweyne Ku Xigeenka Burundi Mr Sindimwo, ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay soo dhoweynta diiran ee loogu sameeyay caasimada Soomaaliya, isagoo intaa ku darey in booqashadiisa ay la xiriirto martiqaad horey ay ugu fidiyeen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya.

“Waxaa ugu weyn ujeeddada booqashadeena waa sidii loo dhisi lahaa guddi labada dal ka socda oo hawshoodu noqon doonto fulinta heshiisyadii labada dal ay horey ugu gaareen Bujumbura, markii uu ina soo booqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Waxaana ka wada shaqeyn doonaa sidii labada dal ay wadajir argagixisada uga tirtiri lahaayeen qaaradda Afrika’’.

Heshiisyada ay labada dhinac gaareen ee la doonayo in la fuliyo ayaa waxaa ka mid ah gaashaandhigga, kaabeyaasha dhaqaalaha, waxbarashada, beeraha, ganacsiga iyo in xogta dhinaca amniga la is weydaarsado.

Wafdiga Burundi ayaa sidoo kale sheegay in Kuliyadda Ciidammada ee Burundi oo lagu tababaro ciidammada milatariga iyo kuwa booliska uu soo dhoweynayo inuu fursado waxbarasho u fidiyo ciidammada Soomaaliya.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Cadaaladda, Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka- Jiir, Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibedda, Axmed Cali Kadiye iyo xubno kale oo ka socday labada dal.

Intaanu Madaxweynaha la kulmin, ayaa wafdiga Madaxweyne Ku Xigeenka Burundi Mr Gaston Sindimwo waxaa ay wadahadal la yeesheen Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, taliyeyaasha ciidammada iyo mas’uuliyiin kale.

Dalka Burundi waxaa Soomaaliya ka jooga kumaankun ciidamo ah oo ku socda magaca AMISOM, tan iyo sanadkii 2007. Dalka Burundi waxaa weli ka taagan xasaradii ka dhalatey doorashadii Madaxweynaha, waxaana Midowga Afrika ka dalbadeen xukuumadaas in ay ciidamo nabad ilaalin ah u diraan si aan dagaal sokeeye uga dhicin Burundi, taas oo Madaxweynaha Burindi diidey.

——————–DHAMAAD————–

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online