Mutamarkii 1aad ee Islaami ah ee Malmo Maalintii koowaad oo la soo Afmeeray (Masawiro)

March 5, 2016 - Written by Editor

IMAG0512Malmo:-Waxaa dhawaan si live ah uga bilaaban doona maanta saacadu markay tahay 13:00 UK magaalada Malmo ee dalka Sweden Mutamarkii 1aad ee Islaami ah waxaan mutamarka soo qabanqaabiyey Islamisk Kultur Center iyo Musasada Europain Muslim Association i Nordic (EMA).

Waxaa haatan socda muxaadaradii 3aad ee mutamarka islaamiga ee 1aad ee ka socda magaalada 3aad ee dalka sweden ee Malmo waxaana jeedinaya Sh C/qaadir Salaad wuxuuna sheekh muxaadaradiisa uga hadlayaa Cadaalada iyo muhiimada ay leedahay .

Muxaadaradii koowaad ayaa waxaa jeediyey Sh C/raxmaan Abyad Xafidahulaah wuxuuna muxaadaradiisa uga hadlay qabyaalada iyo dhibaatadeeda.

Muxaadarada labaad waxaa jeediyey Sh Cabdalla Xanbali wuxuuna uga hadlay asbaabaha burburiya akhlaaqada wanaagsan .

Mutamarka lagu qabanayo magaalada Malmö ayaa waxaa uu bilaaban doonaa 5-6 Mars 2016 oo ku aadan maalmaha Sabtiga iyo Axada.

Mutamarkan ayaa waxaa ka soo qeyb gali doona hadii alle idimo culumada kala ah.
1-Sheekh Dr.Haaruun Sheekh Xasan
2-Sheekh Dr.C/weli Sheekh Maxamed
3-Sheekh C/raxmaan Abyad
4-Sheekh C/laahi Xanbali.
Halgan.net
Malmo

Radio Halgan Live iyo Idaacada Islaamiga ee Al-Xikma ee ka howlgasha deegaanada Puntland ayaa si toos ah u tabinaya Mutamarka 1aad ee magaalada Malmo.

Idaacada Islaamiga ee Al-Xikma ay xarumo gaaraya 13 ku leedahay Puntland waxayna baahisaa duruusta Diini ah iyo adeega bulshada. Waxaa kale oo aad si sahlan ugu shuban karaan Radio Halgan Live telkooda gacanta Radio Halgan Live Google Play hadii uu yahay telfanka aad heysato nooca Android hadii aad heysato Apple waxaad ka soo gishataa App Store .waxaad ku qoreysaa (Radio Halgan Live) waa free wax lacag ah maaha . Halkan ka Dajiso Radio Halgan Google Play Halkan ka Dajiso Radio Halgan Live App Store

Radio Halgan Live waa Idaacad Islaami ah uu soo tabin doonta Inshalaah Duruusta iyo Nadwooyinka Culumada waxaana ay bahwadaag ku yihiin faafinta Dacwada Radiyaasha Al-Xikma oo ka howlgala deegaanada Puntland iyo Radio Al-Nuur oo ka howlgala magaalada Muqdisho lagana dhageysto gobalada Koonfureed.

Waxaa kale oo aad duruusta iyo towjiihaadka culumada aad si dhib yar aad uga dhageysan kartaa Radio TuneIn oo aad soo gishan karto telfankaaga gacanta.Radio TuneIn ka dib meesha ay ku taal Search ku qor Radio Halgan Live . Alle waxaan ka baryeynaa in acmaasheen uu ka dhigo mid kaligiisa khaalis u ah Aaaamiin 



Hoos ka Dhagayso si live ah Radio Halgan iyo Idaacadda Radio Al-xikma

ama Halkaan ka Dhagayso

Halkan Ka Dhageyso Radio Halgan Live.

Maamulka Radio Halgan Live

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online