Puntland oo soo bandhigtay maxaabiis ay ku qabteen dagaalkii ka dhacay Toogga Suuj.[Masawiro]

March 21, 2016 - Written by Editor

IMG_2621Garoowe:-Ciidamada Dawaladda Puntland ee dagaalka adag kula jirtey kooxaha sharwadayaasha al-shabaab ee kusoo duuley Puntland kuwaas oo ku dhuumaalaysanayey Togga SUUJ  oo ka tirsan deegaan xeebeedka Garmaal ee gobolka Nugaal ayaa soo afjarmay maalinimadii shalay 20-March-2016-ka kooxdii Alshabaab ee degaankaasi soo gaadhay todobaadkii lasoo dhaafay.

Dagaalkaas oo bilowday subaxnimadii hore ee shalay ayaa waxa lasoo afjaray isla galabnimadii shalay, waxaana dagaalkaasi kasoo gaadhey kooxaha sharwadayaasha ah ee alshabaab qasaare naf iyo maal leh, dhimashadooda inta la’ogyahay waa 65, dhaawaca gacanta lagu qabtayn waa 5, halka maxaabiista isasoo dhiibteyna ay ahaayeen 30, waxaa sidoo kale gacanta lagaga dhigay saanad millateri oo tiro badan.

Sidoo kale ciidamada naftood hurayaasha ah ee difaacanayey diintooda, dadkooda iyo dalkooda waxaa soo gaadhey qasaare aad u yar taas oo ah 1 Hal Askari oo shahiidey iyo 5  shan Askari oo uu soo gaadhey dhaawacyo, Dagaalkii kasocdey Togga Suuj-na halkaas ayuu kusoo afjarmay.

Dhinaca kale, dagaalkii u dhexeeyey ciidamada xaq kudirirka ah ee Dawladda Puntland iyo kooxaha burcad diimeedka alshabaab ee kudhexmaray maalinnimadii shalay 20-March-2016-ka deegaanka DABAKARAN oo katirsan deegaan xeebeedka Garacad ee Gobolka Mudug ayaa waxaa kooxaha sharwadayaasha ah  ee shabaab waxa kasoo gaadhey qasaare aad u ballaadhan, waxaana halkaasi uga bakhtiyey 45, waxaana dhaawac looga qabtay 4, halka maxaabiista isasoo dhiibteyna ay ahaayeen 8, waxaana intaa sii dheeraa oo goobta lagaga qabtay saanad ciidan oo tiro badan oo u badan hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ciidamada qalabka sida ee aan gabbashada aqoon ee Puntland waxaa uga shahiidey 2 askari halka dhaawacuna uu ahaa 8 Askari, dagaalkaasi weli ma uusan dhammaan saaka 21-March-2016-ka ayuu dib u bilawday khasaaraha dhabta ah ee ka dhashayna waxa lasoo xaqiijin doona marka dagaalka lasoo afmeero.

Wadarta  guud ee qasaarihii iyo Jabkii soo gaadhey kooxaha sharwadayaasha ah ee al-shabaab ee ka dagaallamayey deedaanada Suuj ee Garmaal iyo Dabakaran ee Garacad ayaa shalay oo keliya waxa uu gaadheya 100 dhimasho ah, 33 maxaabiis ah iyo 14 dhaawac nolol lagu qabtay ah, taasoo u dhiganta 147 qasaare nafeed ah iyo saanad millateri oo aad u tiro badan.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online