R.W Cumar “Waan la xanuunsaneynaa walaalaheena Turkiga ee la dhibaateeyay iyaga oo shacabkeena gargaaraya

March 31, 2016 - Written by Editor

sharmakeMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii waxashnimada ahaa ee lagu laayey dhaqaatiir isugu jirtay Soomaali iyo Turki xili ay gar-gaar u fidinayeen dadkeena Soomaaliyeed, kuwaas oo ka howl gali jiray xarun caafimaad oo ku taal magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa fal fuleynimo ku tilmaamay weerarkii galabta lala beegsaday dhaqaatiirta ka howgalayay Isbitaalka Deva, kaasi oo adeegyo caafimaad u fidiya shacabka xanuunsan ee Soomaaliyeed, wuxuuna Alle uga baryay intii dhimatay inuu Janadiisa ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna bogsiiyo, “Waan la xanuunsaneynaa walaalaheena Turkiga ee iyaga oo shacabkeena gargaaraya la dhibaateeyay, waana la murugooneynaa shacabka iyo dawladda Turkiga” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay Shacabka Soomaaliyeed marnaba in aysan ka weecin doonin wadada toosan ee horumarka, falalka guracan ee kooxaha sharwadayaasha ah ay geysanayaan, wuxuna ku baaqay in gacan la siiyo Ciidamadda Ammaanka si looga hortago kuwa dhibaatada geysanaya.

—-DHAMMAAD—-

Ahmed-nur Mohamed
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Garowe, Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online